
Waa Maxay Dakhliga Soo
Gala Youtube?
Xaqiiqda dhabta ah ee dakhliga
YouTube waa mid sahlan, waxayna ku xiran tahay milkiilayaasha kanaalka inay ku
biiraan barnaamijka Partners, ka dibna ay raacaan hababka kala duwan ee
dakhliga YouTube, intaa ka dib YouTube wuxuu bilaabi doonaa inuu u ururiyo
faa’iidada iyaga oo ka jaraya khidmad gaar ah iyadoo loo eegayo habka
faa’iidada.
Habka faa’iidada leh ee
hal-abuurayaasha YouTube ay lacag ku sameeyaan waxa loo yaqaan
Monetization, YouTube waxa ay samaysay nidaam lacag bixineed oo u gaar ah
YouTube Partner Program (YPP) Tan Iyo Ilaa 2007.
Tirakoob Dhiirigalin
Ah Oo Ku Saabsan Dakhliga Youtube
Waxaan maqaalkeena ku bilaabi
doonaa tirooyin iyo tirokoobyo si cad u muujinaya aragtida ballaadhan ee
madasha YouTube ay siiso qof kasta oo raba inuu ku bilaabo mashruuc faa’iido
leh.
· Celcelis ahaan tirada kanaalada YouTube ee
dakhligoodu ka badan yahay $100,000 waxa ay kor u kacaysaa 40% sannad kasta.
· Dakhliga madalsha YouTube inta lagu
gudajiray sanadkii 2021 wuxuu gaaray ilaa $28.8 bilyan, oo uu ku kordhey
qiimaheedii 49% sanadkii la soo dhaafay ee 2020, dabcan, waxay si togan uga
turjumeysaa dakhliga ay sameeyaan hal-abuurayaasha YouTube-ka.
· Hal-Abuurayaasha leh 500 ilaa 5,000 Subscribers ah
waxay helaan celcelis ahaan $315 muuqaalkiiba. Halka Hal-Abuurayaasha leh in ka
badan 500 kun Subscribers celcelis ahaan ay helaan $ 3,857
muuqaalkiiba.
· YouTube 1,000kii Qof ee daawasho (Views)
waxaa laga helaa celcelis ahaan $0.5, halka YouTube uu bixiyo celcelis ahaan
$18 1,000kii qof ee daawada xayaysiisyada muuqaalada.
· Shantii sano ee la soo dhaafay, YouTube waxa
ay bixisay in ka badan $5 bilyan oo macaash saafi ah hal-abuurayaasha adduunka
kuka la nool oo dhan.
Dakhliga muuqaalda YouTube-ka waxa uu u muuqdaa mid rajo leh,
laakiin waxa ay tahay inaad ogaato ayaa ah inay jiraan arrimo badan oo saameeya
ama ka qayb qaata faa’iidada YouTube, tani waxay ina keenaysaa mid ka mid ah
su’aalaha ugu muhiimsan ee ay dad badani is waydiiyaan in si sax ah loo qiimeeyo
dakhliga YouTube, taas oo ah: Maxay yihiin arrimaha saameeya dakhliga
YouTube?
Qodobbada Saameeya Qiimaha Dakhliga Youtube
Hadii aan baadhno ama raadino faa’iidada Youtube-ka ee ay
helaan kanaalada caanka ah, waxaan ogaan doonaa farqi muuqda oo u dhexeeya,
inkastoo tirada Subscribers iyo Views ay isku
mid yihiin, hadana waxaa sabab u ah jiritaanka halbeeg oo loo yaqaan faa’iidada
kunkii aragti ama kunkii daawasho, halbeeg, ama heerka kun CPM ama Cost Per Mille; Kaas oo tixraacaya qaddarka dakhliga uu YouTube ku bixiyo kun kasta oo
daawadayaasha xayeysiisyada kanaalkaaga.
Qiimahan kunka daawasho waxa uu ku kala duwan yahay kanaalda
midba midka kale iyadoo loo eegayo dhawr arrimood, Waana Kuwan Qodobbada Saameeya
Qiimaha Dakhligaaga:
1. Deegaan Ahaan
Way ku kala duwan yihiin dakhliga YouTube waddan ahaan, taas oo
macnaheedu yahay in qiimaha aragtiyadu ay ku kala duwan yihiin sida; Kunka
Daawasho ee Maraykanka ayaa ka qiimo badnaan lahaa haddii ay aslkooga ay
ahaan lahaayeen Filibiin, tusaale ahaan. in badeecadaha Mareykanka ay
soo saaraan faa’iido badan waxaa ugu wacan awoodda wax iibsigooga ayaa
wanaagsan, sidaas darteed ganacsatada iyo shirkadaha, waxay diyaar u yihiin
inay bixiyaan lacag badan si ay ugu soo bandhigaan xayeysiiskooda dadka deggan
Maraykanka, maadaama ay ogyihiin in dadka dagan halkaas ay u baahan yihiin
badeecadan ama adeegan amaba si guud ay ogyihiin in uu wax iibsigooda wanaagsan
yahay.
2. Dabeecadda Nuxurka Kanaalka
Nuxurka kanaalka ayaa ah waxa go’aamiya dabeecadda kooxda la
beegsanayo ee ku raacsan ama subscribe kuu ah, iyo shirkadaha, madasha YouTube
waxay siinayaan mudnaanta marka la eego qiimaha lacag bixinta 1,000 daawasho ee
kanaalada ka hadlaya mawduucyada la xiriira alaabada ama adeegyada loo baahan
yahay. suuqa dhexdiisa. Tusaale ahaan, kanaalada bartilmaameedsanaya nuxurka
ganacsiga waxay leeyihiin CPM ka sarreeya dhiggooda dabiiciga ah.
3. Dabeecadda Dadka La Beegsanayo
Qodobkani waxaa ku jira da’da iyo qayb dadka ka mid ah, tusaale
ahaan haddii kanaalkaagu bartilmaameedsanayo dadka ka weyn 40 waxay ku
dhiirigelin doontaa shirkadaha inay bixiyaan lacag badan si ay u soo bandhigaan
xayeysiiskooda qaybtan, Sidaas darteed, YouTube waxa ay ku siin doontaa in ka
badan faa’iidada kun CPM.
Isla habkani, nuxurka loo jeediyo
ganacsatada ama dadka hodanka ah ee bulshada waxay soo jiidan doontaa shirkado
waaweyn, kuwaas oo doonaya inay kasbadaan kooxdan dhaqaale ahaan awood u leh
inay ku arkaan xayeysiisyadooda muuqaalada kanaalkaaga.
4. Tirada Macaamiisha
Lahaanshaha tiro badan oo
macaamiisha (Subscribers) ah waxay la macno tahay daawashooyin
badan oo muuqaaladaada ah, tani waxay sidoo kale door ka ciyaartaa kordhinta
qiimaha kunka daawasho (Views).
Sida Loo Hir-Galiyo Dakhliga
Youtubeka
Goorma ayuu bilaabmaa dakhliga
youtube? Dad badan
ayaa aaminsan in markii ay furaan kanaalka YouTube oo ay helaan taageerayaal ay
bilaabi karaan inay helaan faa’iidooyin badan, xaqiiqaduna waxay tahay in xitaa
haddii aad leedahay 100,000 oo macaamiil (Subscribers) ah oo
ku xiran kanaalkaaga iyo inaad haysato malaayiin daawasho ah, inaadan waxba
heli doonin ilaa aad ka hir-galiso dakhliga YouTubeka oo aad buuxiso Shuruudaha
dakhliga ee YouTube.
Si aad u hir-galiso Dakhliga
YouTube oo aad u bilowdo kasbashada lacag dhab ah kanaalkaaga YouTube, waa
inaad codsataa inaad ku biirto Barnaamijka Iskaashiga YouTube ama YPP. Dhab
ahaantii waxa jira shuruudo fudud oo ay tahay in la buuxiyo si loo awoodo in la
gudbiyo codsiga ku biirista, kuwaas oo ah:
· Waa In Kanaalkaagu Uu Haystaa in ka badan
1,000 (Subscribers) macaamiil.
· Waa inaad haysataa in ka badan 4,000
saacadood oo daawasho sax ah 12 bilood ee la soo dhaafay kanaalkaaga.
· Waa Inaad Haysataa akoon shaqaynaya oo
AdSense ah oo ku xidhan kanaalkaaga YouTube.
· Waa inaad buuxisaa shuruudaha iyo
siyaasadaha lacag-ururinta kanaalka YouTube.
· Waa Inuusan Kanaalkaagu helin digniino
joogto ah oo ku saabsan ku xad-gudbida Xeerarka Bulshada.
· Waa Inaad Joogtaa ama aad ku sugantahy
waddan/gobol uu ogolyahay BarnaamijkaIskaashiga YouTube.
Waxaad ka heli kartaa tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan
Barnaamijka Iskaashatada YouTube iyo shuruudaha ku biirista Boggarasmiga ah ee YouTube.
Nala Wadaag Ra’ayigaaga Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada
Kale Ee La Xidhiidha Maqaalkan
Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada