Ku Saabsan Dahabka Iyo Ka Ganacsigiisa
Dahabku waa macdan qaali ah isla markaana ah naadir, waana
curiye kiimiko ah oo leh astaanta Au. Midabkiisu waa huruud ama jaale
jilicsan oo dhalaalaya, waxaana loo isticmaali jiray sidii halbeeg lacageed oo
ay ka heli jireen shucuub, xadaarado iyo wadamo badan, quruxda dahabka ayaa u
qalma in uu noqdo mid la doorbido.
Siyfooyinka Dahabka
Mar hadada xiisaynayso dahabka (Gold) waxaa laga maarmaan ah
inaad wax ka taqaanid sifooyinka dahabka, waana kuwan:
·
Midabka dahabku waa huruud,
dahabi ama jaale kaas oo dhalaalaya.
·
Dahabku waa macdan gudbiya
korontada iyo kulaylka.
·
Dahabku waa macdan naadir
ah oo qaali ah.
·
Dahabku maaha maaddo sun
ah.
·
Dahabku wuxuu u adkaysataa
illaa xad daxalka.
·
Dahabku waa mid aad u cufan
isla mar ahaantaana jilicsan.
·
Dahabku waa uu jilicsan
yahay waxaana lagu dari karaa walxaha kale sida nuxaasta.
Faaidooyinka Dahabka
Dahabku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo kala duwan oo ay
tahay inaad ka ogaato, waxayna kala yihiin:
·
Jawharta:
Qiyaastii 78% dahabka aduunka waxa loo isticmaalaa warshadaha jawharta, taas oo
qayb muhiim ah ka ah dhaqanka iyo caadooyinka dadyow badan oo aduunka ku nool.
·
Maalgelinta: Dahabku
waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa mid ka mid ah hantida maalgashiga aasaasiga
ah ee dhaqaalaha adduunka, waxaana loo isticmaali jiray lacag ahaan kumanaan
sano ka hor intaan la samynin lacagaha waraaqaha ah.
·
Daawaynta: Nanoparticles
dahab ah ayaa la sameeyay, kuwaas oo loo isticmaalay in lagu baaro HIV,
waxaa u dheer in la sameeyay dawooyin dahab ah oo lagu daweeyo cudurada sida kansarka
iyo rheumatoid arthritis-ka.
·
Deegaanka: halkaas
oo nanoparticles dahab ahi loo isticmaalay si loo hagaajiyo waxqabadka
unugyada cadceedda, sidoo kale waxaa loo isticmaalaa in xal loogu helo
dhibaatada wasakhowga biyaha dhulka hoostiisa, halkaas oo dahabka loo
isticmaalo in loo qaybiyo wasakhaha qaybahooda aasaasiga ah.
·
Tignoolajiyada: Nanotechnology-ga
Dahabku waxa uu faa’iidooyin badan u keenay tignoolojiyadda soo bandhigida
muuqaalka, sida shaashadaha la taaban karo, waxaana loo isticmaalay tignoolojiyadda
casriga ah ee kaydinta xogta sida aaladaha xusuusta casriga ah, Shirkadaha qaar
ayaa soo saaray qalab elektaroonik ah oo fidsan, kaas oo isticmaala fiilooyinka
dahabka ah oo dhumucdiisu tahay dhawr boqol oo nanometer, iyo qalab
elektaroonik ah oo la dhex gelin karo kuwaas oo la socda calaamadaha muhiimka
ah ee kala duwan ee bukaanada kana digaya dhibaatooyinka caafimaad ee iman
kara.
10-ka Goobood Ee Adduunka Ugu Badan Ee Laga Helo Dahabka
1.
Morontao ee Uzbekistan,
2. South
Deep Gold ee Koonfur Afrika.
3. Grasberg
ee Indonesia,
4. Olympiada
ee Russia,
5. Lihir
ee Papua New Guinea,
6. Norte
Aberto ee Chile,
7. Carlin
Trend iyo Cortez ee Maraykanka,
8. Boddington
ee Galbeedka Australia,
9. Maboneng
ee Koonfur Afrika.
10. Pueblo
Vigo ee Jamhuuriyadda Dominican.
10-Ka Dal Ee Heysta Keydka Ugu Badan Ee Dahabka Diyaarsan
1.
Mareykanka (United States): oo heysta
keystaa keyd dahab oo dhan 8,133.5 tan.
2. Jarmalka
(Germany): oo heysta keyd dahab oo dhan 3,363.6 tan.
3. Talyaaniga
(Italy): oo heysta keyd dahab oo dhan 2,451.8 tan.
4. Faransiiska
(France): oo heysta keyd dahab oo dhan 2,436 tan.
5. Ruushka
(Russia): oo heysta keyd dahab oo dhan 2,299.2 tan.
6. Shiinaha
(China): oo heysta keyd dahab oo dhan 1,948.3 tan.
7. Switzerland:
oo heysta keyd dahab oo dhan 1,040 tan.
8. Japan:
oo heysta keyd dahab oo dhan 765.2 tan.
9. Hindiya
(India): oo heysta keyd dahab oo dhan 654.9 tan.
10. Netherlands:
oo heysta keyd dahab oo dhan 612.5 tan.
10-Ka Dal Ee Soo Saara Dahabka Ugu Dabdan Adduunka
1.
Shiinaha (China) – 383.2
tan
2. Ruushka
(Russia)- 329.5 tan
3. Australia
– 325.1 tan
4. Maraykanka
(United States) – 200.2 Tan
5. Kanada
(Canada) – 182.9 tan
6. Peru
– 143.3 tan
7. Ghana
– 142.4 Tan
8. Koonfur
Afrika (South Africa) – 118.2 Tan
9. Mexico
– 111.4 tan
10. Brazil
– 106.9 tan
Sideen Ku Garanaa Dahabka Inuu Yahay Mid Run Ah?
Qaar ka mid ah siyaabaha degdega ah ee lagu ogaan karo in dahabku
yahay mid run ah ama mid been abuur ah waana kuwan:
Tijaabada Magnetka Ama Birlabta
Tijaabada birlabku waa mid ka mid ah tijaabooyinka fudud ee
lagu ogaanayo in dahabku asal yahay iyo in kale, laakin ma aha hab si buuxda
loo dammaanad qaaday, si uu tijaabadan u sameeyo waa in qofku uu la yimaadaa
magnet ama birlab xoog badan, halkaas oo magnetka ama birlabtu u jihaysan tahay
dhanka dahabka; Haddii dahabku soo jiito magnetka ama birlabtu, tani waxay ka
dhigan tahay in dahabku yahay mid been abuur ah, sababtoo ah dahabku waa mid ka
mid ah macdanaha aan magnetka ahayn.
Tijaabada
Nitric Acid
Dahabka waxaa lagu gartaa awood la’aanta aashitada in ay saameen
ku yeelato, sidaas darteed waxaa lagula talinayaa in lagu hubiyo nitric acid;
Haddii qayb ka mid ah ku dhex milmo, tani waxay caddayn kuugu filan tahay in
aanay ahayn dahab asal ah, qofkuna waa inuu taxaddaraa marka uu tijaabadan
samaynayo, sababtoo ah nitric acid waxay la milmaan wax kasta oo aan dahab
ahayn.
Tijaabada Khalka
Qofku wuxuu isticmaali karaa khal cad si uu u nadiifiyo macdanaha.
Waxa kale oo loo isticmaali karaa in lagu ogaado dahabka runta ah iyo kan
beenta ah, iyadoo tallaabooyinka soo socda la raaci karo:
·
Soo qaad weel quraarad ah
ama dhalo ah Kuna shub khalka cad, ka taxaddar inaadan biyo ku darin.
·
Waxaad weelka khalka cad ku
jiro ku riddaa qayb ka mid ah dahabka.
·
Waxaanad ku daysaa dahabka
weelka ku jira muddo ilaa 15 daqiiqo.
·
Intaa ka dib Ka saar weelka
uu dahabka ku jiro oo kuna maydh biyo.
Fiiro gaar ah: Dahabka dhabta ahi wuu dhalaali doonaa halka
dahabka beenta ahi uu midabkiisu bedeli doono khalka.
La talinta qof xirfad u leh
Dahab-sameeyaha ama xirfadlaha ayaa go’aamin kara inuu dahabku
run yahay iyo inuu been abuur yahay, maadaama habkani yahay habka ugu habboon
ee la hubo gabi ahaanba, mararka qaarkoodna qofku wax lacag ah kama bixinayo si
loo ogaado inuu dahabku run yahay iyo in kale.
Ganacsiga Dahabku Faa’iido Ma Leeyahay?
Haddii ganacsigu guud ahaan yahay xirfad ka dhigaya
milkiilayaasha mid hantidooda leh, Ka warran ka ganacsiga shay naadir ah sida
dahabka? Haa, dahabka Hadda yaala adduunka kuma filna, Dahabku waa
curiye ama macdan naadir ah, Maadaama uu yahay mid gaar ah, waa sababta dumarka
badankoodu u jacelyihiina, waana mid ka mid ah aasaaska guurka, maadaama uusan
jirin ama ay yartahay guur la’aanteed dhicin xilligeenna. mar walbana
qiimihiisu wuu xajisataa, waxaana berigii hore loo tixgalin jiray halbeeg lagu
qiyaaso lacagta wadan gaar ah, markaa jawaabta su’aashani waa hubaal inay tahay
HAA, haa ganacsiga dahabka waa mid faa’iido badan leh.
Ka Ganacsiga Dahabka Adigoo Bilaw Ah:
Qaar ka mid ah ganacsatada khubarada ku ah ganacsiga dahabka
ayaa kula taliyay dadka bilowga ah in ay sameeyaan daraasad dhaqaale iyo mid
suuqeed oo wanaagsan ka hor inta aysan bilaabin mashruucan. Waxayna si wada jir
ah isugu raaceen in dhammaan dahabka hal meel lagu hayn.
Waxaana habboon, bilow ahaan, in marka hore la bilaabo
ganacsiga dahabka la isticmaalay, kaas oo aad ka iibsan karto mid ka mid ah
dukaamada elektiroonigga ah ee internetka, waana inaad taqaanaa lambarrada
tilmaamaya karatka dahabka, taas oo aad sidoo kale ku ogaan karto haddii
dahabku yahay mid asal ah ama uu yahay qalin kaliya oo dahab lagu rinjiyeeyay.
Waa inaad la tashataa ganacsade khibrad leh si aad u hesho khibrad
iyo faham. Waxaad sidoo kale ku kaaftoomi kartaa dukaanka dahabka ah qaab iibiye
ahaan si aad u barato dhammaan siraha ganacsigan, ka hor intaadan bilaabin
mashruucaaga dahabka ah.
Goobta Ku Haboon Mashruuca Dukaanka Dahabka
Waxaa hubaal ah goobta uu ku yaal mashruucaagu in ay ka mid tahay
tiirarka ugu muhiimsan ee guushiisa, si aad u dooratid goobta ku habboon
dukaankaaga dahabka, waa in aad daraasad yar ku samaysaa suuqa, si aad u ogaato
meelaha ay ku yaalaan dukaamadaha dahabka ah ee ku tartamaya. suuqa dhexdiisa.
Intaa Kadib Waxaad ogaatay in ay jirto meelo ay isugu yimaadaan
tiro ka mid ah dukaamadan, iyo meelaha caanka ah ee lagu iibiyo dahabka,
sababtoo ah markaad samaynayso dukaanka dahabiga ah, waa inaad doorataa meel ka
mid ah suuqyada ganacsiga ee waaweyn ee magaaladaada, ama mid ka mid ah
suuqyada caanka ah, ama mid ka mid ah xaafadaha caanka ah, Dukaankuna waa inuu
ahaadaa meel ay ka arki karaan dadka meesha maraya.
Dhinaca goobta, dhammaan mulkiilayaasha dukaannada oo aan
arrintan wax ka weydiinnay waxay isku raaceen in 15 mitir ay ku filan tahay in
lagu bilaabo shaqada mashruuca dukaan dahab ah. Meeshan ayaa ku filan in lagu
kaydiyo oo lagu soo bandhigo alaabta aad ku iibinayso dukaanka dahabka, laakiin
tani waxay kuxirantahay raasamaal kaaga.
Ka Soo Saarida Dahabka Dhagaxyada Iyadoo La Raacayo
Tillaabooyinka Ugu Muhiimsan
In gacanta lagu soo saaro dahabka dhagxaanta ku jira waa mid ka
mid ah xirfadaha ay raadinayaan dadka madaxa banaan, sababtoo ah dahabku waa
qaali oo si joogto ah ayuu u kordhayaa qiimahiisi, in gacanta lagu soo saaro
dahabka dhagaxyada waa mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu kasbado
lacago badan, maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa tallaabooyin aad samayn
karto isla markaana xirfadaysan.
Sida Gacanta Loogu Soo Saaro Dahabka Dhagaxyada Ku Jira
Waxaa jira siyaabo badan oo dahabka gacanta loogu soo saari
karo dhagaxyada, hababkaasina waa kuwo aan dhib ahayn, tillaabooyinkana waa
kuwan:
Talaabada koowaad
Marxaladani waa habka burburinta dahabka: taas oo ay tahay in
loo fuliyo si xirfadaysan, maadaama aan la isticmaali karin dubbayaal
dhaqameed, sababtoo ah tani waxay sabab u noqon kartaa luminta qayb weyn oo
dahab ah oo ayna kala firdhiso qaybo ka mid ah dahabka inta lagu jiro
burburinta. Sababtan awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu tiirsanaado hab
wax ku ool ah.
Talaabada Labaad
Marxaladani waa mid aad muhiim u ah, Dilaaca lagu sameeyay
marxaladda koowaad ee burburinta ayaa la jajabiyaa dhowr jeer ilaa ay noqoto
mid aad u jilicsan,
oo ka yar mugga ciidda. Habkani waa habka lagu heli karo dahabka. aana ku
xasuusiyo mid: tallaabadan awgeed, waa inaad gashataa galoofisyo.
Talaabada Saddexaad
Marxaladdani, waa inaad isticmaashaa meerkuriga, waana inuu
dahabku ku milmo walaxdan, waxaadna ka heli kartaa Amalgam, oo ah nooc
ka mid ah Alloy ka kooban walxaha isku dhafan, habkani wuxuu waxtar u
leeyahay kala soocida dahabka iyo dhagaxyada. laakiin dhammaan tallaabooyinka
waa inay raacaan taxadar. Tani waa in la tixgeliyo marka la samaynayo
tallaabadan, sababtoo ah isticmaalka meerkurigu waa mid aad khatar u ah oo u
keeni kara inay sumoobaan dad badan.
Talaabada Afaraad
Halkaa marka ay marayso, amalgamka la sameeyay ayaa laga soocaa
meerkuriga.
Talaabada Shanaad
Marxaladani, waxaad awood u yeelanaysaa inaad hesho dahabka,
inkastoo tallaabadani ay u egtahay mid la yaab leh, laakiin se meerkuriga waa
la tijaabiyay oo way qaban kartaa shaqadaasi. Halkaa marka ay marayso dahabka
waa inaad dhalaalisaa si meesha aad uga saarto meerkuriga, inataa ka dib waxaad
helaysaa oodna haysataa dahabkii. Waxay u muuqataa mid la yaab leh, laakiin
maaha.
Intee In Le’eg Ayay Qaadataa Habka Soo Saarista Dahabka?
Qoraagu waxa uu tilmaamay in hawsha baadhista dahabku aanay la
xidhiidhin oo kaliya in dhulka laga soo saaro macdanta dahabka ah, balse ay u
baahan tahay qorshe iyo daraasad badan ka hor inta aan la bilaabin baadhista.
Tusaale ahaan, habka sahaminta iyo horumarinta waa in la
bilaabo si loo go’aamiyo inta kaydka dahabka ah ee jira iyo in si badbaado leh
loo soo saari karo. Marxaladani waxay badanaa qaadataa inta u dhaxaysa 10 iyo
20 sano.
Cimriga macdan dahabka ah waxaa si toos ah u saameeya arrimo
dibadda iyo gudaha ah, Sida qiimaha dahabka iyo kharashka hawlgalka ee habka
sahaminta, arrimahan ayaa iyaguna saameynaya qorshe kasta oo lagu sahaminayo
kaydadka qaarkood.
Haddii ay dhacdo in qiimaha dahabku uu sarreeyo, soo saarista
cayriin tayadiisu hooseyso waxay noqon kartaa mid faa’iido leh marka laga eego
dhinaca dhaqaalaha, sababtoo ah korodhka kharashka soo saarista iyo sifaynta
cayriinkani wuxuu noqon doonaa mid faa’iido leh. Si kastaba ha ahaatee, marka
qiimaha dahabku si weyn hoos ugu dhaco, waxay u badan tahay in mudnaanta la
siin doono soo saarista macdanta tayada sare leh.
Iyadoo ku xiran arrimo ay ka mid yihiin qiimaha dahabka iyo
xajmiga kaydka, macdanta dahabku waxay badanaa qaadataa 10-30 sano, ka dib
marka la joojiyo macdan qodista, taas oo qaadata inta u dhaxaysa 1 ilaa 5 sano.
Inta badan meelaha laga qodo dahabka ayaan si buuxda loo la soo
bixin, badanaana qaar ayaa dib loo furaa marka qiimaha dahabka uu sare u kaco.
Tani waa macdanta dahabka ee loo yaqaan Sakdrisi Kachagyani, taas oo
noqotay goob la ilaaliyo oo qadiimiga ah.
Goobta Sakdrisi waa mid ka mid ah kuwa ugu da’da weyn ee
loo yaqaan macdanta dahabka ee adduunka, sida ay qiyaaseen culimada qaar,
qodista ayaa ka bilaabmay goobtan qarnigii saddexaad ama afaraad ee BC.