AppTignoolajiyada

TikTok Ayaa Saartay Cinwaano Ay U Badan Yihiin Caruur


TikTok Ayaa Saartay Cinwaano Ay U Badan Yihiin Caruur

TikTok Ayaa Saartay Cinwaano Ay U Badan Yihiin Caruur


TikTok ayaa barteeda ka saartay ku dhowaad 7.3 milyan oo cinwaan oo
ay uga shakisantahay inay lahaayeen carruur da’doodu ka yartahay 13
sano.


TikTok ayaa sheegtay in ay ku qiyaastay cinwaanadaas in ka yar 1% marka
la barbardhigo tirada guud ee isticmaaasha bartooda.


Carruurta da’doodu tahay 13 sano iyo wixii ka weyn ayaa loo oggol yahay
inay isticmaalaan barta TikTok, iyada oo la sheegay in ay aad u jecel
yihiin dhalinyarada.


Waxay sheegtay inay rajaynayso faahfaahinta ku saabsan dadka da ‘yarta
ee adeegsada inay “ka caawin doonto shirkadaha inay horay u sii socdaan
markay tahay daah furnaanta iyo isla xisaabtanka ku saabsan badbaadada
isticmaaleyaasha”.


Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay:

  • 61,951,327 fiidiyow ayaa laga saaray barta TikTok, inkayar 1%
    dhamaan fiidiyowyada lasoo galiyay
  • 82% ka mid ah waa laga saaray ka hor inta aan la eegin, 91% ka hor
    inta isticmaale kasta uusan la soo dagin.
  • 1,921,900 xayeysiis ayaa la diiday oo lala xiriiriyay arrimo
    siyaasadeed


TikTok ayaa sidoo kale sheegtay inay soo saartay dhowr tallaabo oo
lagu ilaalinayo dhalinyarada ku jirta bartooda, oo ay ku jiraan
xaddidaadda astaamaha sida farriimaha gaarka loo leeyahay iyo toos u
socoshada dadka isticmaala ee ay da’doodu tahay 16 sano jir iyo
wixii ka weyn.


Dadka – oo u badan dhallinyaro – waxay barta u adeegsadaan in ay soo
dhigaan muuqaal 15 il-briqsi ah. Qaarkood heeso ayay dhageysanayaan,
kuwana majaajilo iyagoo adeegsanaya farsamooyiin aan caadi ahayn oo
muuqaalka ay ku jarjaraan.


Muuqaalkaas wuxuu gaarayaa asxaab ay dadkaas garanayaan iyo kuwa
kale. Sida caadiga ah, dhammaan cinwaannada waa kuwo qof kasta uu
daawan karo, inkastoo qofka cinwaanka sameysta uu dadka qaar ah ku
soo darsan karo.


“Si aan u ilaalino carruurta yaryar, warbixintan waxaan ku darnay
tirada xisaabaadka laga saaray inuu ka mid yahay qof da’diisu ka yar
tahay midda uu sheegtay,” ayuu yiri Cormac Keenan, madaxa shuruuc
dajinta ee barta TikTok.


“Si aan u sii wadno xoojinta hanaanka aan u ilaalineyno TikTok oo ah
meel dadka 13 iyo wixii ka weyn ay isticmaali karaan, waxaan
higsaneynaa inaan raadinno hab teknoolojiyad cusub ah”


App-kan oo laga leeyahay Shiinaha ayaa dadka ugu badan ee isticmaala
yihiin dhalinyaro waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo saamaynta
ay ku yeelan karto.


Xogta loo dusiyay wargayska New York Times sanadkii la soo dhaafay
ayaa lagu sheegay in seddex meelood meel dadka isticmaala Mareykanka
ay da’doodu tahay 14 iyo wixii ka yar.


“Mid ka mid ah caqabadaha ay TikTok wajahayso oo aysan kaga duwanayn
[baraha kale ee ay bulshada ku wada xiriirta] waa xaqiijinta da’da
isticmaalayaasha,” ayuu yiri Chris Stokel-Walker, oo ah qoraha
TikTok Boom.


“Muddo tobanaan sano ah, waxaa suurtagal ahayd in la hubiyo da’da
qofka iyadoo si fudud loo dhahayo waad ka weyn tahay da’daas, balse
hada dhalasho oo been abuur ah ayuu qof kasta sheeganayaa.”


“TikTok waxay leedahay qaar ka mid ah tikniyoolajiyadda ugu casrisan
adduunka ee aragtida kumbuyuutarrada, oo ay la socoto, waxay u badan
tahay inay awood u leedahay inay ku ogaato sida saxda ah ee
adeegsadayaasha da’doodu ka hooseyso da’da. Balse isticmaalka
tikniyoolajiyadda noocan ah waxay u baahan tahay oggolaansho.”


Go’aankan ayaa yimid kaddib markii TikTok lagu dacweeyay inay
ururiso ayna isticmaasho xogta carruurta.


Bishii Janaayo, hay’adda ilaalisa xogta gaarka ah ee Talyaanigu
waxay ku amartay TikTok inuu xannibo macluumaadka dhalinyarada da
‘yarta ah, ka dib dhimashadii gabar 10-sano jir ah oo isku dayday
inay samayso xujo muuqaal ah oo ka socotay barta TikTok.


Kaliya ma ahan mid ka mid ah barnaamijyada sida weyn loo isticmaala
ee sii kordhaya balse waxay u badan tahay inuu yahay kan ugu
fiirsashada badan.


Khuburo badan ayaa leh “ma jiraan si cad oo loo ogaan karo da’ada
qofka isticmaalaya baraha bulshada waana dhibaatada ugu weyn ee ay
wajahayaan shirkadaha TikTok la midka ah”


Ma jiraan waalidiin badan oo raba inay xogta baasaboorkooda u
dhiibaan shirkadaha waaweyn , gaar ahaan, haddii la hirgeliyo
xaqiijinta da’da caruurta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button