Maqaallo

Talooyin Ku Saabsan YouTube-ka Si Aad U Hesho Dadwayne Xoogan Oo Joogto Ah

Talooyin Ku Saabsan YouTube-ka Si Aad U Hesho
Dadwayne Xoogan Oo Joogto Ah

Talooyin Ku Saabsan YouTube-ka Si Aad U Hesho Dadwayne Xoogan Oo Joogto Ah

Samaynta kanaal YouTube way sahlan tahay, Laakiin In laga gaaro
guul la taaban karo way adagtahay, Si kastaba ha ahaatee, maqaalkan waxaanu
idinku soo gudbinaynaa talooyin wax ku ool ah isla markaana samayntooda ama
joogteentooda ay fudud tahay.

Haddii aad la yaabban tahay sida loo sameeyo kanaal YouTube si
guul leh, Waa inaad ogaataa inay noqon doonto meel ay macaamiishaada u socdaan,
U istaag summadaada (ama nuxurka aad soo bandhigayso) haddii kale waxa aad ku
dhex lumi doontaa in ka badan 3 bilyan oo muuqaal ah
oo maalin kasta lagu soo bandhigo YouTube.

Sideed uga fogaan kartaa inaadan ku dhicin meel banana ah?

 

Talooyin Lagu Dhisayo Dadwayne Xoogan Oo Jootgo Ah Youtube-Ka

Waa kuwan qaar ka mid ah tillaabooyin fudud oo kaa caawin doona
inaad samayso kanaal YouTube ah oo guuleysta oo aad ka dhex dhisato dadwayne
xoogan oo joogo ah:

1- Soo Bandhig Muuqaalo Ku Saabsan Hal Eray Ama Hal Mawduuc

Samaynta iyo soo bandhigida muuqaalada YouTube ee ku wareegsan hal
erey ama hal mawduuc waa mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan uguna wanaagsan ee
lagu soo jiito daawadayaasha laguna kordhiyo joogitaankooga. Laakiin qaar badan
oo ka mid ah kuwa aan aqoon u lahayn farsamooyinka SEO ayaa
dayacay tallaabadan, taas oo laga yaabo inay kuu horseedo guusha kanaalka
YouTube-ka.

Hubi inaad doorato Keyword (erey fure) ka
hor intaadan bilaabin samaynta nuxurka muuqaalka, maadaama ay tani kaa caawin
doonto inaad ku darto macluumaadka ugu fiican ee ku saabsan ereygaas ama
mawduucaas. Waxa kale oo ay kuu ogolaanaysaa in aad ereygan xasuusato oo aad si
toos ah ugu darto nuxurkaaga, Sidaa darteed, YouTube ayaa aqoonsan doona isla
marka aad ku darto xulashada (Closed Captions).

Markaad dooratid ereyga muhiimka ah ee aad rabto inaad ka sameyso
muuqaalada, Dib ugu noqo muuqaaladii kaa horreeyay ee ku saabsan erayga (keyword)
ama nuxurka aad dooratay, si aad u hubiso inaad si buuxda u fahantay ulajeedka
isticmaalaha, iyo inaad samayn doonto waxyaabo daboolaya dhammaan fikradaha
hore u jiray iyo sidoo kale bixinta macluumaad iyo fikrado cusub oo dheeraad
ah.


2- Dib U Habayn Ku Samee Nuxurkaaga

Habka ugu fudud ee lagu samayn karo kanaal YouTube oo guuleysta
isla markaana lagu dhiso daawadayaal xoogan oo joogito ah waa iyada oo la soo
gudbinayo waxyaabo tayo sare leh. Laakin Khasab ma aha in aad nuxur cusub ka
soo bilawdo meel eber ah.

Waxaad samayn kartaa qaar ka mid ah muuqaalada YouTube-ka ee ugu
fiican ee dib-u-habayn loogu sameeyay nuxurka isbeddelka ah ee aad hore u
diyaarisay, ama horeba ugu jirtay internetka.

Dad badan ayaa u soo jeesta YouTube si ay u raadiyaan muuqaalo
waxbarasho ama siyaabo ay ku xalliyaan dhibaatooyinka ay la kulmaan, Markaa eeg
maqaallada ama qoraallada warbaahinta bulshada ee aad ku leedahay mawduucyadan,
oo bilow inaad ka fikirto sidii aad ugu beddeli lahayd muuqaal YouTube ah oo
wanaagsan.


3- Isdhexgalka Dadwaynahaaga

Waa inaadan waligaa dayicin xaqiiqda ah in YouTube-ku yahay
kanaalka warbaahinta bulshada, sidaas darteedna wuxuu u baahan yahay
isdhexgalka bulshada. Haddii aad kaliya soo bandhigdo muuqaallo adoon ka
qaybqaadanaynin ka jawaabista faallooyinka ama doodaha ka dhex dhaca
daawadayaasha, waxaad lumisay fursad dahabi ah oo aad ku ballaarin lahayd
taageerayaashaada oo aad kanaalkaaga ka dhigi lahayd mid guuleysta.

YouTube-ku waxa uu abaalmariyaa kanaalada ugu waxqabadka sareeya
marka la eegayo dhanka isdhexgalka Bulshada, hadday tahay faallooyin, ka
helitaan, ama inta wakhtiga ay taageerayaashu ku qaataan kanaalkaaga.

Isku day in aad ka jawaabto dhammaan faallooyinka aad hesho
(haddii aad awooddo), oo ku martiqaad taageerayaashaada inay ka dhex muuqdaan
muuqaaladaada adiga oo ku xusaya muuqaalka laftiisa.

4- Samayso Astaan Kuu Gaar Ah

Waxa laga yaabaa inaad horeba u soo bandhigtay waxyaabo qiimo leh,
Laakiin ka waran kanaalkaaga? Ma mid muuqaal ahaaan soo jiidasho leh baa?

Mar kale aan kugu celiyo, Haddii aad rabto inaad samayso kanaal
YouTube ah oo guuleysta isla markaana lagu dhiso dadwayne xoogan oo joogito ah,
waa inaad marka hore u muuqataa xirfadle.

Taasi waa sababta ay tahay inaad naqshadayso astaantaada, Waxayna
ka dhigtaa taageerayaashaada inay ku aqoonsadaan oo si dhakhso ah u bartaan
macluumaadkaaga.

Haddii aad hore u leedahay blog ama degel, markaa shaki la’aan
waxaad haysataa naqshad gaar ah oo ka soocaya adiga iyo tartamayaashaada
shakhsiyaadka ah ama shirkadaha, waxayna macno badan kuu samaynaysaa inaad
sidoo kale keento aqoonsigan kanaalkaaga YouTube-ka.

Sidoo kale, hubi inaad ku xirto dagalkaaga ama boggaaga ama sidoo
kale mareegahaaga intuba waa isla macnee, kanaalkaaga Youtube-ka, oo ku qor
hordhac ku saabsan naftaada iyo nuxurka muuqaalada aad ku soo bandhigto
kanaalkaaga YouTube-ka.


5- Kobci Kanaalkaaga

Mid ka mid ah waxyaabaha quruxda badan ee ku saabsan aaladaha
warbaahinta bulshada ayaa ah awoodda kor loogu qaadi karo nuxurka. Horumarinta
muuqaalada YouTube ee aaladaha kale ee warbaahinta bulshada ayaa ah habka ugu
wanaagsan ee lagu dhisi karo dadwayne xoogan isla markaana ah qaar joogto ah.

FacebookInstagramLinkedin, ama Pinterest…ilaa
dhammaan waa xulashooyinka aad diyaar u tahay inaad u isticmaasho horumarinta
kanaalkaaga.

Tusaale ahaan, waxaad ku soo bandhigi kartaa qayb yar oo muuqaalka
ka mid ah Facebookga, waxaanad ku martiqaadi kartaa dadwaynahaada inay
daawadaan muuqaalka oo dhamays tiran, waxaad sidoo kale ku soo bandhigi kartaa
muuqaalda blogkaaga.

Dooro waxa adiga kugu habboon!


6- Istusi Dadwaynahaada

Haddii aad maamusho kanaalkaaga YouTube-ka ama si guud qayb ka mid
ah ganacsiyada yar-yar, way ku caawinaysaa inaad wejigaaga u muujiso
dadwaynahaada had iyo jeer.

Markaad istusto dadwaynahaada, Waxaad samayn doontaa nooc ka mid
ah xidhidhka shakhsi ahaaneed ee u dhexeeya adiga iyo dadwaynahaada, kalsoonida
ay adiga kugu qabaanna way kordhi doontaa. Samaynta sidaanina ayaa si gaar ah
muhiim u ah haddii aad tahay blogger ama aad bixiso wax ku saabsan jimicsiga,
dhiirigelinta, ama tababarka ganacsiga.

Ma aha in aad shakhsi ahaan uga soo muuqato muuqaal kasta oo aad
soo saarto, laakiin waa in aad ugu yaraan shakhsi ahaan ula xidhiidho
dadwaynahaada dhawrkii toddobaadba mar.

Waxa kale oo muhiim ah inaad kanaalkaaga soo saarato sawirkaaga
profile-ka ah, Halkii laga heli lahaa astaanta shirkaddaada (Waa haddii ay
dhacdo inaad si shakhsi ahaaneed u soo saarayso muuqaallada).


7- Dooro Sawir Soo Jiidasho Leh (Thumbnails)

Waa run in sawirka Thumbnails u muuqda sida sawirka hordhaca ee
muuqaaladaadu ay u muuqdaan kuwo aan macno lahayn, Laakiin dhab ahaantii waxay
leeyihiin saameyn weyn. Markaa boggu waxa uu kor u qaadaa muuqaalada la
xidhiidha iyada oo loo marayo sawirka Thumbnails ka muuqda dhinaca, markaa
hubso inaad doorato sawirro soo jiidasho leh oo kicinaya xiisaha dadweynaha iyo
rabitaanka inaad wax badan ka ogaato waxa ku jira clipkan ama muuqaalkan.

Waxa kale oo muhiim ah in la doorto cinwaan gaar ah, Waana inuu
ahaadaa far cad (la fahmi karo) oo wayn, sidoo kale isticmaal midabo iyo
fallaadho si aad u muujiso erayada aad rabto inaad diirada saarto, waxaanadna
soo dhigtaa sawiro aan la filayn ama aan caadi ahayn si aad u hesho fiiro gaar
ah, muuqaalada u hoggaansama shuruudahan ayaa inta badan darajo sare ka gala
YouTube xitaa haddii nuxurkoodu aanu ahayn mid soo jiidasho leh.


8- Isticmaal Kaararka Youtube (Youtube Cards)

Sidaan horey u sheegnay, YouTube waxa ay abaalmarisaa
milkiilayaasha kanaalada bixiya nuxurka ay daawadayaashu wakhti badan ku
bixiyaan daawashadooda.

Si taas loo wanaajiyo, waxaad ka faa’iidaysan kartaa habka
kaadhadhka YouTube. Kaararkani waa talooyinka aad mararka qaarkood aragto marka
aad daawamayso muuqaalda ama dhamaadka muuqaalda.

Waxaad ku eegi kartaa hab-dhaqanka dadwaynahaada adoo adeegsanaya
YouTube Analytics, (ee muuqaalka gaar ah) baro meelaha taageerayaashaadu ay u
badan tahay inay ka baxaan, ka dib meelahaas waxaad ku dari kartaa qaar ka mid
ah kaararka iyo talooyinka muuqaalada kale ee khuseeya kanaalkaaga.

Sidan, xitaa haddii taageerayaashaadu aysan daawan muuqaalkaas
gaarka ah, waxay waqti badan ku qaadan doonaan kanaalkaaga.

9- Ka Codso Dadwaynahaada Inay Subscribe Saaraan Kanaalkaaga

Mid ka mid ah siyaabaha aad ku ogaan karto in taageerayaashaadu ay
ku mashquulsan yihiin nuxurka aad bixiso waa iyaga oo riixaya badhanka
“Subscribe” si ay ula socdaa muuqaalo badan oo aad si joogto ah ugu
soo bandhigto kanaalkaaga.

Sidaa darteed, mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu
samayn karo kanaal YouTube ee guuleysta waa in la helo dadwayne ku raacaan.

Laakin ka digtoonow, waligaa ha raadsan inaad hesho kuwa raacsan
(Subscribe) adoo lacag ku bixinaya, sidan kuma soo jiidan doontid dadwayne dhab
ah oo daacad kuu ah, tani waxay si xun u saamayn doontaa heerka is dhexgalka
macluumaadkaaga.

Taa baddalkeeda, iska hubi inaad xasuusiso oo aad dhiirigeliso
daawadayaashaada bilowga iyo dhamaadka muuqaal kasta oo aad soo bandhigto sida
inaad ku tidhaahdo: “Subscribe Saar Si Aad Ula Socotaan Muuqaalada Cusub”.


10- Kordhi Heerka Soo Bandhigista Muuqaalada

Waxa laga yaabaa in taladani u muuqato mid ku cabsi gelinaysa
marka hore. Si kastaba ha ahaatee, si loo dhiso dadwayne xoogan, waxaad u
baahan tahay inaad kordhiso heerka soo bandhigista muuqaalada kanaalkaaga, ugu
yaraan hal muuqaal todobaadkii.

Ha werwerin, uma baahnid shirkad gaar ah oo nashqadaysa ama
miisaaniyad xayaysiis ah oo aad u weyn, talefannada casriga ah maanta waxay kuu
oggolaanayaan inaad samayso muuqaalo tayo sare leh, waxaana jira barnaamijyo
badan oo hagaajiya ama editgareeya muuqaalda oona si fudud loo isticmaali karo
isla markaana qof kasta oo bilaw ah uu awoodi karo.

Waxa kale oo muhiim ah inaad ku dabbaqdo kanaalkaada jadwal joogto
ah. Oo Hubi inaad muuqaalada soo bandhigto wakhtigii aad muddaysay maalin kasta
ama toddobaad kasta (waxay kuxirantahay jadwalka aad dajjisay).

Kuwani waxay ahaayeen qaar ka mid ah talooyinka ugu muhiimsan ee
samaynta kanaal YouTube ee guuleysta iyo in la yeesho dadwayne xoogan oo joogto
ah. Laakiin talada ugu muhiimsan ee dhammaan waa inaad sii waddo soo bandhigida
muuqaalada tayada sare leh, maadaama ay tahay tallaabadaada ugu horreysa ee
lagu dhisayo daawadayaal daacad ah oo si joogto ah kuu raacaya.

 

Maxay Kula Tahay Talooyinka Kale Ee Gacan Ka Geysan Kara Kor U
Qaadista Dadwayne Xoogsn Oo Joogto Ah?

Nala Wadaag Ra’ayigaaga Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada
Kale Ee La Xidhiidha Maqaalkan

Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button