Maalgashiga

Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacagta Loo Maalgelin Karo

Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacagta Loo Maalgelin Karo

Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacagta Loo Maalgelin Karo

Qof kasta oo leh akoon kayd ah iyo dakhli ku filan oo uu meel dhigo dhawr
dollar bishiiba wuu awoodi karaa inuu maalgashado. Markaa ha is waydiin
inaad ka qaybqaadato – isku day inaad ogaato siyaabaha ugu fiican ee aad
lacagtaada u isticmaali karto.

Nasiib darro, ma jirto jawaab fudud. Dhammaanteen waxaan leenahay yoolal
dhaqaale iyo maskax aad u kala duwan; waxaan ku qeexi doonaa qodobada ugu
muhiimsan ee la tixgelinayo markaad bilaabayso safarkaaga maalgashiga.

Maxaa La Tixgeliyaa Marka Hore

Dadka intooda badan waxay rabaan inay si toos ah ugu boodaan ogaanshaha
fursadaha maalgashi ee ugu wanaagsan, iyagoo u malaynaya in loo dammaanad
qaadi doono faa’iidada nadiifka ah haddii ay doortaan cryptocurrency-kii ugu
dambeeyay ama saamiyada kor u kacaya.

Laakiin aragtidan ama fikirka noocan ah waa mid khaldan – ka hor intaadan
xitaa ka fikirin waxaad rabto inaad maal gashatid, waa inaad maskaxdaada u
soo jeedisaa sida aad u rabto inaad u maalgashato.

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad naftaada waydiiso shantan su’aalood ka hor
intaadan maalgashi samayn:

  1.   Maxay yihiin yoolalkaaga dhaqaale?
  2.    Waa maxay wakhtiga maalgashigaagu?
  3.    Halista intee le’eg ayaad diyaar u tahay inaad qaadato?
  4.    Ma doonaysaa in aad adigu doorato maalgelintaada?
  5.    Koonto noocee ah ayaa kugu habboon?

Hagaag, 5-tan Su’aalo aan mid walba markeeda dul ustaagno.

1- Yoolalka Maaliyadeed

Dhammaanteen waxaan jeclaan lahayn inaan yeelano lacag badan. Laakiin
maxaad dhab ahaan u rabtaa, iyo intee ayaad u baahan doontaa? Ogaanshaha
jawaabaha labadan su’aalood ayaa saldhig u ah dhisidda istaraatiijiyad
maaliyadeed oo adag.

In kasta oo ay had iyo jeer tahay fikrad wanaagsan inaad maalgeliso
kaydkaaga halkii aad ku hayn lahayd akoonkaaga, Istaraatiijiyadani ama
habkani waxay noqon doontaa mid aan guulaysan Hadii aanad si cad u fahmin
meesha aad u socoto.

Hadafyada maaliyadeed ee guud waxaa ka mid ah:


·        
Kharashka waxbarashada kulliyadda (ama kharashka waxbarashada kulliyadda
carruurtaada)


·        
Hawlgabka



·        
Bixinta daymaha

laga yaabaa inaad dareensan tahay ama aad fahansan tahay wax aan ka
hadlayno, dhammaan ujeedooyinka kor ku xusan waa yoolal wakhti dheer ah oo
ku lug leh badbaadin halis ah sannado badan (haddii aysan noqonba dhowr
iyo toban sano).

Inkasta oo dadka qaakood lacagtooda ay u kaydsadaan dhacdooyinka muddada
gaaban, sida arooska ama fasaxa, maalgashiga guud ahaan waxaa lagugula
talinayaa oo kaliya haddii aad diyaar u tahay inaad lacagtaada ilaalin
karto ama aad xafidi karto ilaa shan sano ama ka badan.

Marka xigta, waxaad u baahan doontaa inaad si sax ah u qeexdo inta aad u
baahan tahay si aad u gaadho yoolkaaga.

Tusaale ahaan, haddii aad u kaydsanayso hawlgabka, billow xisaabinta inta
dakhli sannadeedka aad u baahan tahay si aad u noolaato. Dad badan oo ku
jira dhaqdhaqaaqa madaxbannaanida maaliyadeed waxay ku talinayaan inay
raacaan xeerka 4% (ku dhufashada dakhligaaga sanadlaha ah ee 25jirka).

Sida bixinta daymaha iyo waxbarashada kulliyadda, yoolalka kale way
fududahay in lagu xidho tiro loogu talagalay – laakiin ha ilaawin inaad ku
xisaabtanto sicir bararka. Haddii kharashka kulliyda hadda yahay $20,000
sannadkii, filo inay wax yar ka qaali noqoto toban sano gudahood.

2- Waqti Xaddidan

Markaad ogaato yoolalkaaga maaliyadeed, way fudud tahay in la ogaado
nooca wakhtiga aad u baahan tahay inaad maalgashato.

Haddii aad u kaydinayso carruurtaada si ay u aadaan waxbarashada oo kan
ugu da’da weyn uu hadda yahay afar jir, waxaad eegaysaa waqti xaddidan si
uu u dhameeyo waxbarashada. Ama, haddii aad 30 jir tahay oo aad u
kaydsanayso hawlgabka filo aragti fog oo qiyaastii 35 sano ah – Haddii aad
qorsheyneyso inaad hawlgab ku noqoto da’da “caadiga ah” (midna ha iloobin
waliba ay tahay laga maarmaan in la xasuusnaado markaste waana
geerida)

Waad heshay NUXURKA

3- Khatarta

Wakhtiga xaddidan ee aad go’aansato waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu
muhiimsan ee go’aaminaya khatarta aad qaadanayso. Tusaale ahaan,
maalgashiga $100 ee saamiyada Bitcoin ama Tesla waa mid aad khatar u ah
haddii aad ogtahay inaad u baahanaan doonto lacagtaas laba toddobaad
gudahood – laga yaabee hoos u dhac inuu ku yimaado suuq, taas oo
macnaheedu yahay inaad waayi doonto lacagtaas. Sidoo kale waxaa iyadana
macquul ah inaad faa’iido.

U fiirso jaantuska qiimaha saami kasta, crypto, ama lamaanaha lacagta,
waxaadna ogaan doontaa sida qiimaha isbeddelku u noqon karo muddada
gaaban.

Laakiin haddii aad ogtahay inaad maalgashanayso wakhti dheer oo aanad u
baahnayn lacagta muddo dhawr sano, waxaad si macquul ah ugu kalsoonaan
kartaa in maalgashigaagu uu sare u kici doono.

Dabcan, had iyo jeer waxaa jirta suurtogalnimada ah in shirkaddu ay hoos
ugu dhacdo qiimahaan ama lumin doonto qiimaheeda – taasina waa meesha
kala-duwanaanshaha, cilmi-baarista, iyo qaar ka mid ah fikradaha ku
saabsan dulqaadashada khatartaada.

Haddii aad dhammaan lacagtaada ku maalgeliso hal shirkad ama hal hanti,
waxaa jira kara khataro aad uga badan haddii aad ku maalgalin lahayd
shirkado badan ama hantiyo badan.

Sidoo kale waxa jira maalgashiyo si dabiici ah uga khatarsan kuwa kale.
Tusaale ahaan, inaad maalgashato shirkad gebi ahaanba cusub ama hanti
cusub sida cryptocurrency waxay ku lug leedahay khatar aad u weyn marka
loo eego kalsoonidaada.

Wax kasta oo leh qiimo la mid ah, sida hantida ma-guurtada ah ee aagga la
jecel yahay, waa maalgashi fiican.

Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta khatarta ahi maaha wax mamnuuc ah –
waxaad u baahan tahay inaad hubiso inaad gasho iyaga oo og oo aqbalaya
khatartooda.

4- Xulashada Maalgashiga

Doorashada maalgashiga waxay ku saabsan tahay go’aaminta inaad rabto
inaad doorato maalgashigaaga ama aad u gudbiso mas’uuliyadaas qof
kale.

Haddii aad ku cusub tahay maalgashiga, waxaa laga yaabaa inaad hesho
shaqaale xirfadle ah si uu kaaga caawiyo inaad doorato maalgelintaada
intii aad adigu wax walba samayn lahayd. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo
tani ay noqon karto doorasho wanaagsan, waxay ku timaadaa lacag –
Maamulayaasha faylalka waxay qaadaan khidmad maarayn, taasoo saamaynaysa
faa’idad ka soo noqonaysa maalgashigaaga, gaar ahaan haddii aad
maalgashanayso qadar yar.

Laakin haddi aanad hore wax u maalgashan, Waxaa laga yaabaa inaad xitaa
garan weydo waxaadan garanayn.

Nasiib wanaag, waxaa jira doorasho saddexaad: isticmaal lataliye toos ah.
Goobo iyo apps-yo badan ayaa bilaabay barnaamijyo kuwaas oo ku haga
maalgashadayaasha iyada oo loo marayo xulashada iyo maareynta faylalka ay
ku jiraan. Algorithms-yada casriga ah waxayna bixiyaan talooyin ka soo
horjeeda maamulayaasha hantida dhabta ah.

Qaarkood waxay isticmaalayaasha ka qaadi doona imtixaan su’aalo ah oo ku
saabsan dulqaadka, yoolalka maaliyadeed, iyo wixii la mid ah; Kuwo kale
waxay bixiyaan agabka maalgelinta tooska ah iyo isbeddelka kordhinta si
loo fududeeyo maalgelinta.

5- Nooca Xisaabta

Ogaanshaha waxa aad rabto inaad maal gashatid waa talaabada ugu horeysa –
waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad si sax ah u ogaato nooca akoonka ee
aad furi doonto iyo madalka aad ka furi doonto.

Xisaabaadka maalgashiga ee waxtarka leh ee cashuurta iyo qorshayaasha
hawlgabku waxay ka jiraan waddamo badan, laakiin waxay u badan tahay inay
yeeshaan magacyo kala duwan oo ay ku lug leeyihiin sharciyo kala duwan. Tusaale ahaan, Boqortooyada Midowday (UK) waxay bixisaa akoonnada kaydka
shakhsi ahaaneed (ISAs), kaas oo u oggolaanaya shakhsiyaadka inay
kaydiyaan illaa xad go’an sannad kasta oo hadhow kala baxaan lacagaha ay
ururiyeen canshuur la’aan.

Maalgelinta Ugu Fiican

Hadda waxaan filayaa inaad jawaabo u hayso su’aalha aan kor ku xusnay.
Waa waqtigii loo gudbi lahaa qaybta xiisaha leh ee maqaalkan doorashada
maalgashiga saxda ah.

Ma jirto hal jawaab oo sax ah oo aan ku siin kato sababtoo ah maalgelinta
kugu habboon waxay ku xirnaan doontaa jawaabaha aad ka bixinayso
su’aalihii aan kor ku xusanay – waana sababta aan u qeexay cidda ku
habboon maalgashidan soo socda:

1- Saamiyada

KU FIICAN:
Waqti Dheer, Khataro Oo Badan, Soo Celin Sare Leh.

Markaad iibsato saami, waxaad dhab ahaantii noqonaysaa saamile (ama
milkiilaha) ganacsigaas – markaa mar kasta oo qiimaha shirkaddu ay kordho,
maalgashigaagu wuxuu sidoo kale kor u qaadi doonaa qiimaha aad
maalgashatay.

Kaliya waa inaad eegtaa qaar ka mid ah saamiyadaha ugu guulaha badan ee
koray dhowrkii sano ee la soo dhaafay si aad u aragto sida ay faa’iido u
leedahay tani. Tusaale ahaan, haddii aad maalgashi ku samayn lahayd
saamiga Google bishii Luulyo 2016, qiimaheedu waxa uu kor ugu kici lahaa
$719.85 ilaa $2,585.72 – korodh dhan 259.2%.

Inaad maalgashato saamiyadaha ugu guulaha badan sanadihii la soo dhaafay
ayaa ka fiican inaad lacagtaada ku kaydiso akoonkaaga kaydka iyo xitaa ka
fiican inaad ku maalgashatid S&P 500 (taas oo ay ku guulaysatay
soo celinta maalgashiga qiyaastii 100% isla muddadaas).

Tani uma baahna in ganacsigu uu u sarreeyo sida Google oo kale, oo waxaa
jira ganacsiyo kale oo saamigoogu qiima ahaan hooseeya isla markaana
guulaysta laakiin mid aan ku xasuusiyo ma jirto qaab lagu ogaan karo
hubaal waxa dhici doona berri.

2- Maalgelinta Labada Dhinac

KU FIICAN: Waqti Dheer, Khatar Oo Yar.

Inkasta oo ay macquul tahay in hal shirkad ay la kulmi karto waqtiyo
adag, haddana aad ayay u yar tahay in kumanaan shirkadood ay la kulmaan
dhibaatooyin isku mid ah (marka laga reebo inta lagu jiro
dhaqaale-xumada).

Laakiin uma muuqdaan inay gaadhaan isla heerka soo celinta sida saamiyada
ugu waxqabadka badan – laakiin khatarooda aad ayay yar yihiin.

Noocyada ugu waaweyn ee lacagaha ay heli karaan maalgashadayaasha
waa:


·       Maalgelinta wadaagga ah:
Ka kooban xulashada curaarta, kaydka, iyo hantida kale (tusaale, hantida
ma-guurtada ah ama badeecadaha) ee ay doortaan maareeyayaasha hantida oo
lagu daray lacagta maalgashadayaasha kale. waxaana la iibiyaa dhamaadka
maalinta.


·       Maalgelinta Tusaha:
Waxa ku jira tusmooyin, sida S&P 500 ama FTSE 100,
waxaana la iibiyaa maalinta oo dhan (sida kaydka oo kale).



·       ETF-yada:
Waxa ku jira tusmooyin laakiin waxa la iibiyaa dhammaadka maalinta, sida
maalgelinta wadaagga ah.

Farqiga u dhexeeya kuwan waa mid qarsoon laakiin mudan in la xuso.

3- Hantida Maguurtada Ah

KU FIICAN: Waqti Dheer, Soo Celin Xasilloon.

Inkasta oo aan kaliya sheegay in hantida ma-guurtada ah ay soo celiso
maalgashiga si xasilloon, laakiin maaha mar kasta. Hantidu waxa ay
leedahay qiimo la taaban karo – dadku had iyo jeer waxay u baahan doonaan
meel ay ku noolaadaan – markaa qiimuhu guud ahaan wuxuu kor u kici doonaa
muddo ka dib.

Laakiin hantida ma-guurtada ahi had iyo jeer kama dhigna soo celinta
hantida sida kaydka, waxaa laga yaabaa inaad ku guul dareysato inaad soo
celiso wax badan gabi ahaanba

Haddii aad iibsatid guri oo aad ka kireyso, waxay noqon kartaa hab aad u
wanaagsan oo aad dakhli ku soo saarto oo aad lacagtaada uga dhigto mid kuu
shaqeysa, Si kastaba ha ahaatee Waxay wadataa xoogaa khatar ah – waxaa
laga yaabaa inaad la kulanto arrimo ku saabsan kiraystayaasha ama aad la
kulanto hawlo dayactir oo kaaga baahan lacago badan.

4- Cryptocurrency-Yada

KU FIICAN: Khataro Oo Badan, Soo Celin Sare Leh.

Cryptocurrency-yada dhab ahaantii maaha mid u fiican kuwa qalbiga
jilicsan leh- maahan wax qarsoodi ah, waxaadna u baahan tahay
istaraatiijiyad cad oo loogu talagalay isbeddelka qiimaha. Kaliya fiiri
ama eeg inta uu le’eg yahay isbadalka qiimaha Bitcoin uu ahaa sanadkii la
soo dhaafay oo keliya.

Laakiin haddii aad diyaar u tahay inaad qaadato khataraha qaar si aad u
kasbato soo-celin sare leh, waa inaad haysataa xog ama macluumaadyo kugu
filan – badanaana way ka faa’ido badantahay suuqyada saamiyada, Tusaale
ahaan, haddii aad iibsan lahayd Bitcoin shan sano ka hor, waxaad dib u soo
celin lahayd 5144.33% hadda – qadaadiicdana hadda aad ayay uga hoosaysaa
heerkeedii ugu sarreeyay.

Kaliya u diyaargarow inaad sameyso cilmi-baaris dhab ah ka hor inta aadan
bilaabin maalgelinta. Raacitaanka dadka badan ayaa laga yaabaa inay kuu
horseeddo inaad iibsato qadaadiic waqti khaldan, Halka, iibsashada
qadaadiicda gaarka ah si aan kala sooc lahayn ayaa laga yaabaa in lagu
khiyaamo (adduunka crypto waa mid aan nidaamsanayn inta badan).

Taxaddar!


Fg. Waxaa Kale Oo Jira Maalgalino Kale Laakiin Inta Ugu Fiican Dadkana
Lagu La Talinyo Ayaan Ka Hadalnay.


Nala Wadaag Ra’ayigaaga Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada Kale
Ee La Xidhiidha Maqaalkan.


Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button