
Sideed U Qaabishaa Guuldarrada?
Guul-darradu ama Fashilka waa mid ka mid ah waayo-aragnimada ugu dhibka
badan ee soo marta bini’aadamka, Sababaheedu way kala duwan yihiin waxayna
ku xidhan tahay waayo-aragnimada, iyo saamaynta ay ku leedahay dadka hadda
iyo kuwa mustaqbalka, iyo xaaladaha nafsiga ah ama jireed, fikradan ayaa si
buuxda uga hor imanaysa fikradda guusha, taas oo ka mid ah yoolalka nolosha
sare ee ay inta badan dadku raadiyaan inay ka gaadhaan dhinacyada kala
duwan. nolosha, aqoonta, xirfada, bulshoda, qoyska iyo qaar kaleba, si looga
fogaado saamaynta xun ee guul-darradu leedahay, loogana hortago waayahaas
qadhaadhka ah, waxaynu xusi doonnaa siyaabaha ugu muhiimsan ee looga maarmi
karo iyo sidii looga hortagi lahaa.
Waan necbahay inaan qirto guuldarrada, Raacitaanka ku noolaanshaha
xeerarkaaga waa inay noqotaa yoolkaaga ugu muhiimsan. Waxay laga yaabaa
inaad ku guuldareysatid; xitaa adigoo ku bixinaya wakhti, maal iyo tamar
hadana natiijadu ay noqoto mid aan lagu qancin ama aan wax ku ool noqon,
waxa laga yaabaa in ay hore kuugu dhacday.
In aad isku day samayso oo aad guuldarraysato ayaa aad uga wanaagsan in
aadan isku day samayn
Haddaba noloshan ku dhiirranow, isku day sameey, si aad ahna ugu dadaal,
hana ogolaan waxqabad la’aan iyo karti la’aant sabab too ah waxay keenaan
guul-darro.
Waxaa xaqiiq ah inaad guuldaraysan karto, Sidoo kale, waa inaad ku
dadaashaa si aad u guulaysan lahayd; Markaa miyaanay caqli gal ahayn, inaad
ku dadaasho oo aad u diyaargarowdo guuldarrada?
U Diyaar Garoow Guuldarada
Inaan mar kaliya guuldaraysano macnaheedu maaha inaan waligeen guul gaadhi
karin; Waxa kaliya oo ay la macno tahay in aan dib u hagaajino
qorshayaashayada oo aan horay u sii wadno, lagana yaabo in aan dib u
habaynno habka aan uga fikirno guuldarada.
Ma kula tahay in Jeneraaladii caanka ahaa aysan la imaan qorshe ku
xisaabtama khasaaraha dagaalka? Mise waxaad u maleyneysaa in ganacsatada
hodanka ah aysan haysan qorshe degdeg ah haddii ay dhacdo in aysan maalgelin
karin ganacsigooda? dabcan maya; Haddaba riyadaas u rog aragti, ka dibna u
rog qorshe la fulin karo, intaa kadibn qorshahaas dhaqan gali, balse marka
hore inta aanad bilaabin dib u eeg yoolkaaga maalinlaha ah, toddobaadlaha ah
iyo bilaha ahba, xisaabtana ku dar dhammaan waxyaalaba fashilmi kara ama
khaldami kara.
Sida Loo Qaabilo Guuldarrada
Xitaa adigoo raacaya tillaabooyinkan waad la kulmi kartaa guuldarro:
· Xoojinta talo-saarista Eebbe weyne, ku qanacsanaanta amarkiisa, iyo ku
dadaalidda helida raalli ahaanshihiisa.
· In la go’aamiyo sababaha keenay guuldarrada, In la beddelo oo la qiimeeyo,
in la saxo, lana saxo khaladaadkii hore, lagana fogaado in dib mar kale
loogu dhaco, lagana qaato hab-nololeedka suuban oo ka soo horjeeda kuwii
natiijadaas ka dhashay.
· In aan laga quusan oo loo hogaansamo guuldarada, taasna waxaa keenaysa in
la xoojiyo niyadda iyo adkaysiga nafteeda, Iyo in laleeyahay karti lagu
tartamo, iyo in laga guura xaalada taagan loona guura xaalad ka
wanaagsan.
· In la geliyo dadaallada jireed iyo mid maskaxeed loogana hortagayo
guuldarrada ama fashilka, lana abaabulo dadaalladaas sidii loo bilaabi
lahaa, loona hagaajin lahaa wixii hore u kharribmay.
· U daji qorshe wanaagsan mustaqbalka, Samee liis ay ku qoran yihiin yoolalka
nolosha dhow, dhexe iyo mustaqbalka fog, oo bilow inaad ku shaqeyso hadba
sida ay u kala mudan yihiin, taasoo ah, maalgelinta fursadaha iyo qoondaynta
agabka jira iyo siyaabaha aad ku gaari karto yoolalka dhow, si aad ugu
gudubto yoolalka xiga.
Qorshaynta Saxda Ah Waa Furaha Guusha
Qof kasta oo guulaysta waxa uu ku bilaabay riyo isu rogtay aragti,
kadibna waxa uu isu rogay qorshe la fulin karo, intaasi ka dib waxa la
hirgaliyay qorshihii la rabay in la hiigsado maalin walba, guusha dhabta
ahi waxa ay ku timaadaa qorshe sax ah; Haddaba, qorshaha saxda ahi miyaanu
guuldaraysan karin? Mise waa in aad ka sii fiirsataa sida aad u
qorsheynayso? Taasi waa, in la sameeyo qorshe degdeg ah oo ku saabsan
guuldarrda, haddii aad rabto.
Qorshe aan xisaabta ku jirin in ay jiraan dhacdooyin lama filaan ah ma
aha qorshe, ma jirto cid damaanad qaadi karta nolosha, mana aha in aynaan
filanayn in aynu u dhaqaaqno yoolkeenna innagoo aan la kulmin wax dhibaato
ah ama wax caqabad ah, Waxay u badan tahay in wax walba khaldami doonaan
haddii aan fileyno in aysan waxba khaldami doonin, Dabcan waa in aan u
qorshaynaa sidii in guuldaradu ay lama huraan tahay.
Sida Loola Tacaalo Guuldarada
Sideed uga falcelinaysaa haddii guuldarradu X dhacdo?
Sideed u maarayn doontaa guuldarada Y? Ku dar qorshahaaga
labadan su’aalood ee suurtagalka ah, Kani waa qorshahaaga kaydka ah haddii
ay dhacdo in qorshahaaga ugu weyn uu guuldareysto. Sidan, uma baahnid inaad
waqti ku lumiso diyaarinta qorshe mar kale.
diyaarna u ah guusha.”
Nala Wadaag Ra’ayigaaga Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada Kale Ee
La Xidhiidha Maqaalkan.
Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada.