Lacag Samayn

Sidee Lacag Looga Sameeya App-ka Honeygain

Sidee Lacag Looga Sameeya App-ka Honeygain

Sidee Lacag Looga Sameeya App-ka Honeygain

Salaam, maanta waxaan kuu hayaa website yarood lacag ka samayn karto, ood ka
aruursan karto xoogaa yaroo raasamaal ah, si aad mushruucyadaada hadhow ugu
maalgashato, amaba xirfadahaaga ugu dhisto adigoo iibsanaya koorsooyin, isagoo
bilawga hore ku siinaya 5 doolar oo bilaash ah hadii aad raacdo
linkigan.

Ugu horreeyn, yaanan been kuu sheegin ama aanan ka badbadinin, iyadoo ujeedku
tahay inaan anigu kaligay faa’idaysto.

Hel $5 oo free ah

Dhamaadka maqaalkan waxaan kugu sheegi doonaa sida aan anigu lacagta uga
sameeyey, iyo inta aan ka sameeyey, iyo xaddiga lacageed ee laga samayn karo
bishii, iyo inta ugu yar ee la la bixi karo, iyo ilaha lacageed ee lagu la
bixi karo.

App-kan ama website-kan ee aan kuu sheegayo waxaa lagu magacaabaa
honeygain,
soomaali ahaanna ku noqonaysa app-ka shinnida.

Hagaag, haatan waxaad is-weydiinaysaa website-kan ma mid been abuur ah baa,
sidii website-yadii hore oo kale ee aynu arki jirnay?, sideese ayuu u
shaqeeya? sideena baa lacag looga sameeyaa.

Website-kan ama ab-kan, wuxuu isticmaalayaa xogtaada interneed ee aadan
isticmaalin isagoo kaydinaya xogahaaga, kana iibinaya shirkado kale, taa
bedelkeedana uu kugu siinayo lacag.

Waana habka koowaad ee lacagta looga sameeyo, dabcan hadii aanad rabin inuu
xogtaada interneed kaydiyo, waxaad maraysaa habka labaad ee lacgta looga
sameeyo, taasoo ah inaad suuqgeyso app-kan oo aad adigu u keento macaamiil
kale, iyagoo raacaya linkiga lagu siiyo, waana habka ugu fudud uguna lacagta
badan.

Aynu isku run sheegno, app-kan waxaa aad uga faa’idaysan kara qofka awooda
inuu suuqgeeyo app-kan oo uu keeno dadyaw badan, isagoo ku sheergaraynaya
whatsapp-yadiisa ama ku sheergareenaya guruubyada facebook-giisa.

Hadii aan kaaga jawaabana su’aashii kale ee ahayd ab-kan ma mid been abuur ah
baa?, si fudud aniga ahaan inta aan la macaamilayay “MAYA“, sababtoo ah
waxaan ka sameeyay lacag qaddarkeedu gaadhaysa ilaa wax ka badan
$90 muddo gaadhaysa ilaa 7 bilood anigoon waliba dadaal badan
bixinin.

Dabcan $90 iyo 7 bilood markii la isku eego wax micno oo ay leedahay ma jirto,
hasa yeeshee taa bedelkeeda anigu waxba maanan qabanin hadii ay noqon lahayd
dadaal iyo wakhtiba, dhowrkii bilood ee ugu horreeyana aad
umaanan fahamsanayn.

Isku soo wada duub, website-kan waxa aad uga faa’idaysan kara qofka ay ku
xidhan yihiin dadyaw badan, hase yeeshee dadka caadiga ahina iyaguna way ka
faa’idaysan karaan, iyadoon faa’idadooda la mid ahayn qofka ku xidhan dadyaw
badan.

Xaddiga lacageed ee laga samayn karo waxaa dhacdo ah inay kor u dhaafto
$500 bishii, waa hadii aad taqaano si loo suuqgeeyo misna ay kugu
xidhan yihiin dadyaw badan.

Inta ugu yar ee la-la bixi karo waa $20.

Ilaha lacag bixineed ee lagu la bixi karana waa Paypal oo aan dabcan
dalkii hooyo ka shaqayn, iyo Bitcoin oo ah lacag dhijitaaleed, oo iyadu
ka shaqaysa meel walba.

Shuruudaha loo baahan yahay waa 

  • Inuu qofku leeyahay Laptop ama Mobile, oo uu app-kan ku soo degsado
  • Inuu qofku helayo interneed, hadii uu rabo inuu xogtiisa interneed la
    wadaago app-kan, laakiin se hadii uu rabo inuu kalya suuqgeeyo waana tan ugu
    faa’iidada badanee wuu iska isticmaali karaa dhaatadiisa caadiga ah.

Haddaba waa sidee

  1. Booqo link-geena yaala hoosta maqaalkan oo ku dhufo  kadibna sug ilaa
    60 ilbiriqsi, kadibna soo dagso app-ka, kuna inistal garayso aalada aad
    isticmaalayso, haday noqon lahayd Laptop ama Mobile-ba
  2. Ka dhex samayso app-ka koonto cusub
  3. U ogoloow ab-ka inuu kaydsado xogahaaga interneed ee aanad isticmaalin,
    waase hadii aad adigu rabto, hadii kalena suuqgeeyoo u keen dadyaw cusub oo
    adiga dhankaaga ka socda
  4. Sug qaddarka lacageed ilaa iyo inta uu ka gaadhayo ugu yaraan $20, adigoo
    markii hore kaliya haystay 5 doolar, haatanna aad kaliya u baahan tahay
    inaad $15 shaqaysid si aad u heso qaddarka lacageed ee ugu yar ee la-la bixi
    karo

Ugu danbayntii, sideed ula bixi kartaa lacagta aad shaqaysay

Hadii qaddarka lacageed uu gaadho $20 iyo wixii ka badanba, waxaad awood u
leedahay inaad 2 mid uun aad kula baxdo lacagtaa, Paypal ama
Bitcoin, waana tan ugu fiican Bitcoin, wayna ka shaqaysaa dalkii hooyo.

Hadii aad u baahan tihiinna xogo intaa dheeri ah, ama aad hayso su’aalo fadlan
noogu reeb qaybta faalada, si aan kaaga jawaabno.

Hel $5 oo free ah

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button