Wax Ka Ogow Sida Ay U shaqeeyaan Search Engine (Mashiinada
Raadinta)?
Internetku waa duni aad u ballaadhan, Waana ilo muhiim ah oo laga helo
macluumaadka iyo xogta, waxayna ku dhowdahay inay noqoto isha kaliya ee laga
xigto gebi ahaanba, sababtuna waa sahlanaanta helitaanka macluumaadka iyada
oo ay ugu wacan tahay mashiinda raadinta ama Search Engine Ingiriisi ahaan.
Dabcan, waxaad isticmaali kartaa siyaabo kale oo aad wax ku baadho, sida
inaad qorto is ku xidhka (link) bogga haddii aad tahay mid wax
xafidyo, taas oo laga yaabo inay suurtogal ahayn mararka qaarkood iyada oo
ay ugu wacan tahay tirada badan ee isku-xirayaasha (link) iyo
magacyadooda dheer ee kakan.
Laakin haddii aadan aqoonin is ku xidhka (link-ga) oo buuxa, Markaa waxaa
laga yaabaa inaad u baahato inaad booqato dhowr goobood si aad u hesho waxa
saxda ah ee aad raadineyso, ama waxaad soo gaabin kartaa waqtigaaga iyo
dadaalkaaga adoo isticmaalaya mashiinada raadinta (Search Engine).
Search Engine (Mashiinada Raadinta)
sida Google ama Bing ayaa ah albaabkaaga
internetka, maadaama ay ururiyaan xogo iyo macluumaadyo aad u badan oo laga
heli karo mareegayaasha internetka, kadibna way kala soocaan wayna kala
habeeyaan waxayna gaaraan go’aano ku saabsan macluumaadka ugu habboon si ay
uga jawaabaan su’aalaha gaar ah.
Sideen uga faa’idaysanaa Search Engine (Mashiinaka Raadinta) Si aan u
helno macluumaadyada internetka?
Kahor intaadan guda galin inaad wax ka
raadiso Google, Bing ama mashiinada kale ee
raadinta, In yar ka fikir ereyada aad isticmaalayso, sababtoo ah aad ayey u
saameenyaan natiijooyinka raadinta.
Haddii aad isticmaasho Erayo tira ahaan yar-yar ama dhowr kelmadood, waxaa
laga yaabaa inaad aragto xogo badan oo macluumaad ah, laakiin haddii aad
isticmaasho Erayo badan oo dhaadheer, waxaa laga yaabaa inaadan wax natiijo
ah helin haba yaraatee.
Maxaan Samaynaa Haddaba?
Hagaag, marka aad rabto inaad hesho jawaabta su’aal gaar ah, sida: “Waa
maxay jaamacadaha adduunka ugu fiican?”, ka fikir ereyada muhiimka ah.
Dabcan, waad ku qori kartaa Erayo badan oo dhaadheer ah mashiinda raadinta
(Search Engine), laakiin mashiinka raadinta wuxuu u badan yahay inuu iska
indhatiro qaar ka mid ah ereyada labaad, sida isku xirka (link-ga) iyo
su’aalaha.
Waxaad markaa soo gaabin kartaa waqtigaaga iyo dadaalkaaga, kaliyana qor
ereyada muhiimka ah sida: “ugu fiican”, “jaamacadaha” iyo “adduunka”. Waxaad
heli doontaa isla natiijadii!.
Hadda waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso, waa sidee? Tani waxay noo
horseedaysaa inaan ka hadalno mabda’a shaqada ee mashiinada raadinta (Search
Engine).
Sidee bay u shaqeeyaan Search Engine (Mashiinada Raadinta)?
Shaqada Mashiinada Raadinta (Search Engine) ee kala duwan ayaa leh saddex
shaqo oo muhiim ah:
·
Gurguurasho (Crawling)
·
Tilmaan-siinta (Indexing)
·
Qiimaynta (Ranking)
Gurguurashoda (Crawling)
Waxaan dhihi karnaa in gurguurashadu (Crawling) ay tahay habka sahaminta
mashiinadaha raadinta, halkaas oo mashiinadani ay u soo diraan kooxo robotyo
(bots) ah si ay u helaan wax cusub ama kii la cusuboonaysiiyay.
Robot-yadani wax kale maaha ee waa barnaamijyo kombuyuutar ah kuwaas oo
abaabulan isla markaana si habaysan uga baadhaan shabakada caalamiga ah ee
internetka. Waxaana loogu yeeraa magacyo kale sida:
·
Web Crawlers
·
Spiders
·
Bots
Sidee robot-yadu (bots) u ogaadaan wax cusub?
Nuxurku wuxuu noqon karaa qaabab kala duwan. Sida: bog shabakad, sawir, muuqaal, faylka PDF ama
shay kale, laakiin dhammaantood waxaa
helaya Crawles isagoo adeegsanaya is ku xidhka URL-ka.
Waa Sidee?
Aan soo qaadano Google tusaale ahaan: Googlebots waxay ku
bilowdaan inay booqadaan dhawr bog oo shabakada internetka ku jira, ka dibna
ay sahamiso dhammaan isku xidhka (links-yada) gudaha (Internal Links) iyo dibadda (Externalm Links) ee boggagaas, Intaa kadib waxay u
guurtaa bogga kale oo cusub, waxayna samaysaa intii markii hore ay samaysey,
sidaasina ayey u shaqaynaysaa, ilaa shabakada sahaminta ay ballaarato oo wax
kastoo cusub laga helo.
Inta lagu jiro habkan ee dhex mara isku xirka (link) iyo
boggaaga, bot-ka Google-ku wuxuu qaataa koobi
ka mid ah isku xirka (link) bog kasta oo uu booqdo, sidaasina waxaa
la ururiyay nuxurkii, waxaana lagu daraa tusmada (index) Google ee
loo yaqaan Caffeine.
Tilmaan-siinta (Indexing)
Ka dib marka la helo macluumaad cusub, mashiinadaha raadinta waxay (Search Engine) habeeyaan macluumaadka cusub waxayna ku habeeyaan tusm gaar ah, taas oo
ah xog ururin weyn oo la helay intii lagu jiray geedi socodka gurguurashada
(Crawling), kaasoo mar dambe loo tixraacayo si loo soo saaro
xiriiriye ku habboon oo ka jawaabaya weydiinta raadiyaha ee shay gaar ah oo
ku jira mashiinka raadinta (Search Engine).
Sidee loo tilmaan-siyaa ama loo tusmeeyaa isku-xirayaasha (links)?
Inta lagu jiro habka tilmaan-siinta ama tusmaynta, mashiinka raadinta wuxuu
isku dayaa inuu fahmo waxa ku jira boggaaga, sida in uu falanqeynayo iyaga
oo u kala saaraya sawirada, fiidiyowyada iyo
noocyada kale ee tusmada oo ku salaysan
arrimo badan iyo algorithms, ka dibna Xogtan
waxa lagu kaydiyaa kayd aad u wayn oo lagu kaydiyay kombiyuutaro tiro
badan.
Qiimaynta (Ranking)
Marka qof uu wax ka baadho intarneedka, mashiinada wax raadiya waxay dib
ugu noqdaan tusmooyinkooda oo ay doortaan isku-xidhayaasha (links)
sida aadka ah u quseeya waydiinta raadiyaha, ka dibna u habeeya oo u soo
bandhig raadinta, iyagoo rajaynaya inay bixiyaan jawaab ku haboon raadiyaha
ama baadhaha.
Habkan qiimaynta nuxurka iyadoo loo eegayo sida ay ula xidhiidho waydiinta
su’aasha ah waxa loo yaqaan Ranking. Markasta oo ay sareeyso
qiimaynta goobtaasi, waa inta ay u badantahay in uu ka jawaabo su’aashaasi
ama weydiintaasi. Tani waa sababta goobta ugu horeysa ee ka muuqata bogga
natiijooyinka raadinta inta badan ay u yihiin kuwa ugu fiican.
Maxaad u danaynaysaa sida ay u shaqeeyaan Search Engine (mashiinadaha
raadinta)?
Ogaanshaha sida mashiinada raadinta u shaqeeyaan kaliya maaha inay kaa
caawiso inaad si fiican wax uga raadiso internetka adoo dooranaya erayada
saxda ah iyo qiimaynta natiijooyinka laguu soo bandhigay, laakiin sidoo kale
waxay door muhiim ah ka ciyaartaa sida aad u dhisti lahayd boggaaga.
Halkan, waxaa laga maarmaan ah inaad ogaataa; si goobtaadu uga muuqato
natiijooyinka raadinta, waa inay marka hore u muuqato mashiinada raadinta.
Tani waa qaybta ugu muhiimsan ee habka SEO: haddii goobtaada aan
la arki karin, ma awoodi doontid inaad sinaba uga muuqato SERPs.
Haddii boggaaga internetka aan loo dhisin qaab ay mashiinada shabakadu fahmi
karaan oo ayna tilmaami karin, markaa joogitaankooda internetka iyo
maqnaanshahooda waa isku mid.
Hubi in website-kaagu uu si wanaagsan u habeesna yahay, si mashiinada wax
raadiya ay u helaan, una tilmaamaan una kala sarreesiiyaan. waana waxay ku
saabsan tahay SEO.
Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada