Sida Loo Beegsado Dadka La Bartilmaameedsanayo
Mashruuc
kastaa wuxuu la kulmaa caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah, Haddii aad tahay
ganacsade ama mas’uul ka ah bilaabista mashruucan cusub, waxaan shaki ku jirin
in qeexida dadwaynaha la beegsanayo ay tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu
horreeya ee ay tahay inay yimaadaan meesha ugu sareysa liiska ganacsigaaga.
Waayo
shacbku waa sababta jiritaanka mashruuc kasta; Go’aaminta dadwaynaha
bartilmaameedka ah kaliya kama caawin doonto inaad qeexdo ujeedada mashruucaaga
oo dhan, laakiin sidoo kale waxay kaa caawin doontaa inaad abuurto nuxur oo aad
u jihayso dadaalkaaga suuq-geynta si hufan oo loogu talagalay dadwaynaha
mashruucan.
Marka
la eego faahfaahinta CRM iyo tartanka ba’an, had iyo jeer way fududahay in la
sheego faahfaahinta qaarka kale marka la maareynayo oo la bilaabayo ololayaasha
suuqgeynta; Markaa waxaad had iyo jeer u baahan tahay inaad maskaxda ku hayso
yoolkaaga: si aad u gaadho dadwaynaha saxda ah, meesha saxda, iyo wakhtiga
saxda ah.
Kahor
intaanan bilaabin hagahan, aynu wax walba ka bilowno bilwga, sidoo kale aynu
sharaxno waxa loo la jeedo dadwaynaha la bartilmaamsanayo ama la beegsanayo.
Waa
Maxay Dadka La Beegsanayo?
1. QEEXIDA 1 Dadwaynaa la beegsanayo waa tirakoobka
dadka ay u badan tahay inay xiisaynayaan badeecada ama adeegga shirkadda.
2. QEEXIDA 2 Waa koox ka mid ah dadka aad u soo saarto
alaabtaada iyo adeegyadaada. Erayada kale ee loo isticmaalo in lagu qeexo
kooxdan waa ‘suuqa bartilmaameedka’ iyo ‘macmiilka bartilmaameedka’.
3. QEEXIDA 3 Dadwaynaha la beegsanayo waa qaybta uu ganacsigaagu ku
salaysan yahay, ololahaaga suuqgeyntuna waxa ay diiradda saarayaan guud ahaan,
taas oo milkiilaha ganacsigu uu uga faa’iidaysto dadwaynahan maskax ahaan
diyaar u ahaanshaha iyo awoodda ay u leeyihiin inay iibsadaan, si ay ugu
qanciyaan inay ka jawaabaan adeegyada la bixiyo.
4. QEEXIDA 4 Dadwaynaha la beegsanayo waa koox dadka ka mid ah oo loo
aqoonsaday inay yihiin macaamiil ganacsi, Dadwaynaha la beegsanayo waxay
wadaagaan sifooyin bulsho oo isku mid ah oo ay ku jiraan, Tusaale ahaan
laakiin aan ku xaddidnayn:
· Da’da.
· Jinsiyada Lab/Dhadig.
· Goobta.
· Aqoonta.
· Xaalada Bulsho Iyo Mid
Dhaqaale.
Ku
qeexida dadwaynaha bartilmaameedka ah ganacsi ahaan waxay kaa caawin
kartaa sameynta xeeladaha suuq-geynta iyo aqoonsiga macaamiishaada aasaasiga
ah, Halkii aad ku bixin lahayd lacag iyo agab isku day inaad la kulanto
baahiyaha macaamiil kasta, qeexida dadwaynaha bartilmaameedka ah waxay u
oggolaanaysaa xidhiidh ula kac iyo mid shakhsi ah oo dheeraad ah oo lala yeesho
kuwa ay u badan tahay inay iibsadaan alaabtaada ama adeeggaaga.
Baaxadda
iyo nooca dadwaynahani way kala duwan yihiin iyadoo loo eegayo hawsha loo
qabto, Hawlaha oo dhan waxay diiradda saari karaan qayb aad u yar, qayb gaar
ah, tusaale ahaan sida kuwa xiisaynaya iibsashada Rolls-Royce ama baabuurta
Lamborghini. Waxa ku jiri kara qaybo ballaadhan sida suuq-geynta
iibsashada taleefannada casriga ah.
Hadafka
halkan waa in la beegsado, lana soo bandhigo oo lagu wada xidhiidho suuqa
dhexdiisa oo ay ku jiraan koox shakhsiyaad ah oo wadaaga heerka waxbarasho,
hadaf, danaha iyo caqabadaha, oo leh baahi guud ama rabitaan badeecadaha ama
adeegyada ay bixiso shirkaddaada.
Caadi ahaan, xogta loo isticmaalo in lagu go’aamiyo dadwaynaha la
beegsanayo waxaa ka mid ah:
- Da’dooda.
- Jinsiyadooda Lab/Dhadig
- Asalka waxbarasho.
- Xaalad bulsho.
- Goobta
- Caadooyinka macaamiisha.
- Danaha gaarka ah iyo caqabadaha.
Haddba Aynu Tusaaleeno Waxaan u sawiran karnaa qeexida dadwaynaha
bartilmaameedka ah sida soo socota:
Tusaale ahaan, shirkad soo bandhigda ciyaaraha waxbarashada carruurta, kuwaas
oo dadwaynahooda bartilmaameed u yihiin carruurta, hooyooyinka, takhasuska
waxbarashada iyo macalimiinta.
Oo
haddii shirkaddaadu bixiso adeegyada naqshadaynta garaafyada, dadwaynaha
bartilmaameedkaagu waa milkiilayaasha ganacsiga, mashaariicda, iyo
suuqgeynayaasha, da’doodu ka weyn tahay 18 jir.
Ogsoonow in
aan ka hadlaynay dadka la bartilmaasanayo (Target
Audience) ee ka maan hadlayan suuqa la bartilmaasanayo (Target
Market).
Farqiga
U Dhexeeya Dadwaynaha Bartilmaameedka Ah (Target Audience) Iyo Suuqa
Bartilmaameedka Ah (Target Market).
Erayga
bartilmaameedka suuqa waxa loola jeedaa koox dad ah oo wadaaga sifooyin iyo
hab-dhaqan ay shirkaduhu ku bar-tilmaameedsadaan xeeladahooda suuq-geyneed.
Suuqa
la beegsanayo waa kooxda macaamiisha ah ee ay shirkadu qorsheynayso inay ka
iibiso ama ku gaadho hawlo suuqgeyneed.
Dadwaynahaha
la beegsanayaa waa kooxda ama qayb ka mid ah suuqa la beegsanayo ee
xayaysiisyada loogu adeego. Tani waxay ka dhigaysaa dadwaynaha bartilmaameedka
ah qayb gaar ah oo ka mid ah suuqa bartilmaameedka.
Tusaale ahaan: Ka soo qaad in dadka la beegsanayo ay yihiin dadka
xiiseeya kabaha orodka, suuqa la beegsanayaa waa
orodyahannada marathon-ka, waxaanad heshiis ka samaysay
goobta Dubai, Dadwaynahaha la beegsanayo ee xayaysiisku kor u
qaadaya iibka ayaa noqon doona orodyahanada Marathon-ka ee Dubai,
ma aha dhamaan orodyahanada (marathon-ka) (Marathon-ku waa
tartan cag fog ah oo leh masaafo dheer).
Dadwaynaha
bartilmaameedka ah ayaa badanaa loo isticmaali karaa si isku mid ah suuqa
bartilmaameedka, maadaama ay tahay qayb gaar ah oo ka mid ah kooxda suuqa ugu
weyn. Si kastaba ha ahaatee, suuqa bartilmaameedku had iyo jeer macnaheedu
maaha dadka la beegsanayo.
Talaabada
ugu horeysa ee lagu aqoonsanayo dadwaynaha saxda ah waa in marka hore la qeexo
suuqa saxda ah ee la beegsanayo, tani waxay aasaas u tahay talaabooyinka xiga
waxayna ku hagaysaa dadaalkaaga meesha saxda ah.
Habka
qeexida suuqa bartilmaameedku wuxuu ku bilaabmayaa in la baaro tartamayaasha,
ka dibna la raaco oo la ogaado sifooyinka iyo dabeecadaha ka dhexeeya iyaga,
iyo ugu dambeyntii go’aaminta sifooyinka tirakoobka, siday u kala horreeyaan.
Waa
Maxay Sababta Aad U Bartilmaasanayso Dadka La Beegsado?
Bartilmaameedka
aad dadka la beegsanayso waxay hubinaysaa in dadaalkaaga, laga bilaabo
suuq-geynta ilaa adeegga macaamiisha, uu bixiyo oo uu
gaaro heerarka ugu sarreeya ee suurtogalka ah, iyada oo aan lagu khasaareyn
waxba.
Waxaana Ka Mid Ah:
1)
Kala Qaybinta Suuqa La Beegsanayo
Ka
dib markii aad sameyso aragti kore oo ku saabsan suuqa aad beegsaneyso, waxaan
loo baahnaan in la sii kala qaybiyo.
Ujeedada
qaybtan ayaa ah in la hormariyo suuqgeyta gaar ah oo si heer sare ah loo
habeeyo qayb kasta oo ka mid ah suuqan bartilmaameedka ah.
Waxaa jira afar nooc oo kala qaybinta suuqa ee bartilmaameedka ah
kuwaas oo kala ah:
Kala Qaybinta Dadka: Taasi waa, u qaybinta dadwaynahaada iyadoo loo
eegayo macluumaadka tirakoobka, sida da’da, jinsiga, heerka dakhliga, heerka
bulshada, iwm.
kala Qaybinta Noocyada: Halkan waa inaad u qaybisaa
dadwaynahaada iyadoo loo eegayo arrimo nafsi ah sida fikradaha, xiisaha, qaab
nololeedka, heerka bulshada iwm.
Tusaale
Ahaan, haddii dadwaynahaagu ay xiiseeyaan ciyaaraha, waxaad bartilmaameedsan
kartaa xayaysiisyadaada goobaha ciyaaraha, waxaad samayn kartaa olole xayaysiis
isboorti ah, oo wadaaga waxyaabaha ciyaaraha la xiriira sida hambalyada iyo
dhiirigelinta, iwm.
Kala Qaybta Juqraafiyeed: Kala qaybinta noocaan ah macneheedu waa
in shaqsiyaadka loo qaybiyo iyadoo loo eegayo aagga ay ku nool yihiin.
Macaamiisha
qaar ayaa laga yaabaa inay yihiin kuwa maxaliga ah, iyo kuwa kale oo ka yimid
gobol ama waddan kale, qaybtani waxay kaa caawinaysaa inaad bartilmaameedsato
adeegyadaada oo aad kor ugu qaaddo si wax ku ool ah.
Haddii
macaamiishaadu ay ku nool yihiin waddan kulul, tusaale ahaan, kor u qaadida
badeecooyinka kulaylka la xidhiidha inaanay ahayn fikrad wanaagsan.
Halkan,
sidoo kale, waa qodob muhiim ah.Wadamada qaar ayaa laga yaabaa inay la kulmaan
masiibooyinka dabiiciga ah ama dhacdooyinka daran. Waxaa laga yaabaa inaad
rabto inaad u muujiso macaamiishaada xoogaa dareen ah iyo isku xirnaanta
waqtiyadan halkii aad si toos ah u suuqgeyn lahayd alaabtaada.
Kala Qaybinta Habdhaqanka: Halkan waxaad u kala qaybinaysaa
macaamiishaada hadba sida ay ula falgalaan summadaada.
Tusaale
Ahaan, Haddii aad tahay mulkiilaha dukaanka onlayn (online) ah, Waxaad u
kala qaybin kartaa macaamiishaada cidda samaysay iibkii ugu dambeeyay 30-kii
maalmood ee la soo dhaafay, kadib Waxaad ku bartilmaameedsanaysaa olole iimayl
ah (Email) si ay dib ugu soo noqdaan goobta.
Ama
inaad beegsato kuwa alaabada kaga tagay salada wax iibsiga iyagoon dhamaystirin
habka wax iibsiga, iwm.
Guud
ahaan, kala qaybinta suuqa aad beegsanayso waxay awood u siinaysaa suuqgeyn wax
ku ool ah, adoo siinaya adeegga macaamiisha saxda ah, iyo adoo u diraya nuxurka
saxda ah dadwaynaha aad xiisaynayso.
2)
Kharash Wax Ku Ool Ah
Waxaa
laga yaabaa inaanan buunbuunin haddii aan nidhaahno Go’aansashada dadka la
beegsanayo waxay dhab ahaantii kugu kici doontaa kharash badan.
Sababtu
way sahlan tahay, suuqgeyntu, ha ahaato mid dhijitaal ah ama mid caadi ah,
waxay u baahan yihiin xayeysiis, xayeysiiskuna wuxuu u baahan yahay
maalgelin. Hadafka halkan waa in la maalgeliyo, Si aad u hesho
faa’iidada iibka ay ololahani samayn doonaan ka dib marka ay gaaraan
macaamiisha ku habboon.
Goortii
aad lacagtaas ku kharash garayso nuxur ama farriin suuqgeyneed ee gaadhaysa
dadwaynaha aan dan ka lahayn, Adigu sidaa waxaa tahay mid khasaaray, Waligaana
waad lumisanaandoontaa, Sidaa darteed, beegsiga saxda ah wuxuu awood kuu
siinayaa inaad hagaajiso istiraatiijiyadda suuqgeyneed, oo aad hesho soo
celinta ugu sareysa ee maalgashiga.
Hal
mar oo kale, Ma jirto wax faa’iido ah oo lagu beegsanayo qof walba, adiga oo
rajeynaya inaad kordhin doonto fursadahaaga guuleysiga, Dhab ahaantii waxay
kugu kici doontaa kharash aad u badan, Waxaana laga yaabaa inaad ku dhamaato
adigoon wax faa’iido helin (faa’iido eber ah).
3)
Dhisidda Xiriir Adag Oo Lala Yeesho Macaamiisha
Sababtoo
ah waxaad u dirtaa fariin iyo nuxur iyaga khuseeya, waxaadna siisaa adeeg ama
badeecad daboolaysa baahidooda ama ka caawisa inay ka gudbaan
dhibaatooyinkooda, taas beddelkeeda waxaad helaysaa kalsoonidooda iyo
daacadnimadooda.
Barashada
iyo kala sooca dadwaynaha la beegsanayo waxay awood kuu siineysaa inaad ogaato
caqabadahooda iyo dhibcooyinka xanuunka ee ay la kulmaan, Markaa, waxaad si sax
ah u garanaysaa waxay u baahan yihiin si ay caqabadahaas uga gudbaan una
buuxiyaan meelaha bannaan.
Hadda su’aasha ugu muhiimsan:
Sidee
Loo Go’aamin Karaa Dadka La Beegsanayo?
Aragtida
hore, waxa laga yaabaa inaad dareemto hawl sida fiisigis quantum (Physics
Quantum) ah. Laakiin dhab ahaantii, Ma aha wax aan ahayn su’aalo iyo
dariiqyo, Markaa waxaad yeelan doontaa hage dhammaystiran oo ku saabsan
dabeecadda iyo shakhsiyadda macaamiishaada.
1)
Waa Ayo Macaamiishaadu?
Talaabada
ugu horeysa ee lagu aqoonsanayo dadwaynahan la beegsanayo waa in la sameeyo xog
macaamiishaada ku habboon sidoo kale loo yaqaan Customer
Persona ama Dabeecada Qofka iibsadaha.
Sababtoo
ah alaabtaada ama adeegaagu waxay xalliyaan dhib ama buuxiyaan baahi, dadka soo
jeediyay caqabadan ama baahida khibradahooda nololeed waxay inta badan
wadaagaan sifooyin gaar ah.
Xogtanina
waxaa ku jira sharraxaad faahfaahsan oo ku saabsan sifooyinka Tirakoobka
dadweynaha iyo kuwa nafsiyeed ee bartilmaameedyada, sida:
B) Qaybta Da’da
Waa
maxay kala duwanaanshaha da’da bartilmaameedkaaga? Ma da’yar bay yihiin,
qaan-gaar bay yihiin, mise da’da dhexe?
Qodobkani
waa mid aad muhiim u ah; Sababtoo ah macaamiishu waxay uga jawaabaan siyaabo
kala duwan iyadoo loo eegayo da’dooda iyo qaan-gaarnimadooda, waa inaad
samaysaa nuxur, badeecad iyo adeeg ku habboon da’da.
T) Jinsiyada Ama Nooca
Nooca
ayaa door muhiim ah ka qaadan kara qaabeynta isdhexgalka macaamiisha iyo ka
jawaab celinta alaabtaada. Guud ahaan, jinsiga ayaa ku kala duwan baahidooda
iyo ujeedooyinkooda; Sidaa darteed, u fiirsashada qodobkan waa qodob lagama
maarmaan ah si loo gaaro soo celinta maalgashiga aad rabto.
J) heerka dakhliga
Go’aaminta
celceliska dakhliga kooxdaada bartilmaameedka ah waxay si toos ah u saameyn
doontaa istaraatiijiyada suuqgeyneed, Dhaqanka qoysaska dakhligoodu
dhex-dhexaadka yahay ama kuwa hodanka ah ayaa had iyo jeer hiigsada inay helaan
natiijada ugu fiican oo ay barbar socoto kaydinta lacagta, sidaas
daraaddeed u soo jeedi dareenkooda xayeysiisyada iyaga u ballanqaadaya tan.
Si
ka duwan qoysaska dakhligoodu sarreeyo, waxa laga yaabaa inay aad ugu
janjeeraan xayaysiisyada kaas oo xoogga saaraya raaxada.
x) goobta
Uma
baahnid inaad noqoto cilmi-nafsi si aad u ogaato inta ay ku kala duwan yihiin
dhaqamada reer miyiga iyo magaaladu, tusaale ahaan, bulshooyinku waxay
saameeyaan rabitaankeena iyo iibsashada dookhyada iyada oo loo eegayo heerka
iyo tayada nolosha.
Si
aad si sax ah u ogaato cidda macaamiishaadu tahay, Waxaad kormeer ku samayn
kartaa qoraaladaada, Ama qoraalada tartamayaashaada, Oo hubi xisaabaadka
taageerayaasha, faallooyinka iyo guud ahaan isdhexgalka. Falanqaynta degdega ah
iyo daraasadda, waxaad awoodi doontaa inaad sawirto hannaankooda iyo
dabeecadahooda kala duwan.
Laakiin
mararka qaarkood, macaamiisha aad bartilmaameedsanaysaa laga yaabaa in aanay ku
jirin goobaha warbaahinta bulshada asal ahaan.
Xataa
macaamiishii hal mar kaliya kaa iibsaday oo aan mar labaad soo noqon, Waxay
sidoo kale ku jiraan kooxdaada bartilmaameedka ah. Waxaad rabtaa inaad si sax
ah u ogaato halka ay joogaan, iyo sida loo helo.
2)
Maxay Yihiin Caqabadaha Ama Hamigooda Ugu Weyn?
Waxa
aad u malaynayso inay muhiim tahay oona wanaagsanyahy, ayaa laga yaabaa
inay sidaa u ahayn xaaladda macaamiisha aad beegsanayso.
Uma
fikiri kartid dadwaynahaaga, mana go’aansan kartid waxa aad u malaynayso kaliya
goortii arinku oo la xidhiidho caqabadahooda, iyo xitaa hamigooda.
Halkan
waa inaad si fiican ugu fiirsataa, Ha ku salayn qiyaasahaaga waxaad u
malaynayso, Hase yeeshe, waa inaad dhammaan go’aamadaada ku salaysaan xogta
saxda ah, waayo-aragnimadii hore, iyo falanqaynta wax iibsiga macaamiishaada
iyo xitaa dabeecadda shakhsi ahaaneed.
Si
kastaba ha ahaatee, ha iloobin inaad u joogtid inaad xalliso dhibaato ama
caqabad ay la kulmaan, ama inaad buuxiso baahi iyo rabitaan ay leeyihiin.
Markaad
si fiican u fahamto labadan dhinac (caqabada iyo baahida),
waxaad awoodi doontaa inaad qaadato go’aanno sax ah oo aad ka faa’iidaysato
fursadaha saxda ah si aad u qanciso.
3)
Xagee Bay Kaa Raadin Karaan?
Qof
kastaa wuxuu u baahan yahay xog joogto ah, waxaana jira ilo xogeed oo dhan oo
nagu wareegsan.
Laakiin
su’aasha taala ayaa ah: Halkee ayuu tagaa macmiilka aad beegsanayso marka uu
rabo inuu xog raadiyo?
Aqoonsiga
kanaalada iyo goobaha ay macaamiishaadu hubiyaan si ay naftooda ugu bixiyaan
macluumaadka maalin kasta waa waajibkaaga; Tani waa si aad ugu soo bandhigto
iyaga hortooda meelahan, ha ahaato muuqaal, dhijital ama
dabiici, Luuqadda iyo qaabka ay u jecel yihiin una fahmaan.
Tusaale ahaan: Maamulayaasha IT-ga waxaa laga yaabaa inaysan
waqti badan ku bixin Instagram ama Pinterest (si
ka duwan fanaaniinta ama kuwa xiiseynaya farshaxanka, naqshadeynta, tusaale
ahaan), Laakiin waxa laga yaabaa inay wakhtigooda intiisa badan ku
qaataan goobaha wax soo saarka leh sida Quora ama Reddit,
halkaas oo ay ka heli karaan wararkii ugu dambeeyay iyo macluumaadka goobtooda,
oo ay raacaan fikradaha khubarada iyo xirfadlayaasha.
Waxa
kale oo laga yaabaa inay door bidaan luqad adag oo toos ah, halkii ay ka
jeclaan lahaayeen kaftan xad-dhaaf ah. Si ka duwan ardayda da’da yar
ee dugsiga sare, waxay door bidaan inay raacaan waxyaabo madadaalo leh, oo ay
waqtigooda intiisa badan ku qaataan aaladaha sida Instagram ama YouTube.
4)
Waa Maxay Qiimaha Alaabtaada/Adeeggaaga?
Waxay
u ekaan kartaa su’aal nacasnimo ah, laakiin dhab ahaantii qof kastaa wuxuu had
iyo jeer raadiyaa wax u fududeeya noloshiisa. Tani waa rabitaanka bini’aadamka
dabiiciga ah, macaamiishaaduna maaha kuwo ka reeban.
Ka
fakar sida bixintaada, hadday tahay badeecad ama adeeg, ay u bedeli karto
noloshooda si ka wanaagsan. Maxaa dhib ah oo aad u xallisaa iyaga? Waa
maxay faa’iidooyinka aad ku bixiso gudaha adeegga ama xirmada alaabta?
Had
iyo jeer xasuuso in tartanku aanu fududayn, lagana yaabo in aanu waligiis ahaan
doonin sida ay u badan tahay. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la go’aamiyo
faa’iidadaada tartanka ee hogaaminaysa tartankan, oo kaa dhigaya inaad ka
duwanaato dadka intiisa kale ee saaxadda.
5)
Maxaa Ka Dhigaya Inay Si Xun Kuugu Fikiraan?
Haa,
waanu jecelnahay yididiilo waanu ku baaqnaa waliba, laakiin waxba kuma yeelayso
inaad waaqiciga noqoto oo aad ka fikirto xumaanta iyo dhaliisha; Gaar ahaan
marka ay timaaddo qeexidda dadka la beegsanayo… xasuusnoow inaad ku dhisi
doonto tallaabadan wax kasta oo ganacsigaaga ah.
Sida
ay tahay inaad uga fikirto waxa ay macaamiishu rabaan oo ay ku hamminayaan,
waxa kale oo laga yaabaa inaad u baahato inaad tixgeliso waxa aanay filayn oo
ay iska ilaalinayaan.
Sida
aan ku sheegnay tusaalihii hore, macaamiisha joogtada ah waxaa laga yaabaa
inaysan jeclayn dareenka la buunbuuniyey ee kaftanka, oo laga yaabo inay
dareemaan in ay shirkaddu ku jeesjeesayso. Teeda kale, dhallinyaradu ma door
bidaan af-xumo ama af qalafsani marka lala hadlayo, waxaan laga yaabaa inay
dareemaan inay ku jeesjeesayaan ama (ka sii daran) inay iyaga laftoodu ku
majaajiloodaan shirkadda!
6)
Sidee Bay Kuugu Aamini Karaan?
Kalsoonida
macmiilku waa wax walba, Sidaad ogtahay, Wuxuuna iibsadaa alaab ama adeeg aanu
ku kalsoonayn.
Markaa
la yaab maaha in dib u eegista macaamiisha iyo ra’yiga dukaamada internetka ay
qiimo weyn u leeyihiin iibiyeyaasha, sababtoo ah waxay og yihiin inay dhisto
kalsoonida ay raadinayaan, taas oo sharxaysa xaqiiqda ah in Amazon ay
maanta qiimo u leedahay balaayiin qof.
Kahor
intaadan dalban oo aad filaynin in macaamiishaadu ku aaminaan, waxaad u baahan
tahay inaad marka hore ogaatid dariiqa loo maro kalsoonidaas. Kalsoonida waxa
lagu dhisaa in la dhagaysto baahiyaha macaamiisha, ilaalinta xidhiidhka idinka
dhexeeya adiga iyo iyaga, iyo tan ugu muhiimsan in la mahadiyo falcelis kasta
oo wanaagsan oo ay ka sameeyaan shirkaddaada; Hadday tahay faallo, qiimayn, ama
boos magacaabis ah oo goobahoodii aqooneed.
Marka
la go’aaminayo dadwaynaha la beegsanayo, waxaa muhiim ah in la ogaado
marxaladaha uu macaamiilahaagu hiigsanayo safarkiisa kalsoonida dhisidda ee
shirkadda uu la macaamilayo. Waxaad xitaa falanqayn kartaa waxqabadka
tartamayaasha si aad u aragto sababta macaamiishu ugu kalsoon yihiin.
Macaamiisha
qaarkood, tusaale ahaan, waxay door bidaan tayada sare ee badeecada ama adeegga
guud ahaan iyo sifooyinkeeda horumarsan, qaar kalena waxay qadariyaan adeegyada
iibka ka dib iyo dhoofinta degdega ah, kuwa kalena waxay u baahan yihiin inay
hubiyaan in dhibaatooyinkooda la xalin karo oo lacagtooda loo soo celiyo.
Dhammaan
arrimaha way kala duwan yihiin hal qayb ilaa qayb kale, laakiin qayb kasta oo
macaamiisha ah ayaa leh dabeecad guud si ay awood ugu yeeshaan inay aaminaan
shirkad.
7)
Sidoo Kale Qeex Tartamayaashaada:
Inkasta
oo aan ka hadlayno dadka la beegsanayo, laakiin – si la yaab leh – aqoonsiga
tartamayaasha ayaa sidoo kale qayb muhiim ah ka ah qeexidda dadwaynaha
bartilmaameedka ah.
Had
iyo jeer waxaad wax ka baran kartaa falanqaynta dhaqdhaqaaqyada suuq-geynta ee
tartamayaasha iyo dhacdooyinka, inaad barato waxyaabaha guusha ama
guul-darradooda, oo aad si qoto dheer u fahanto dabeecadda dadwaynahaaga ka
jawaabayaan ololahan iyo dadaalladan.
Waxaad wax ka baran karto arinkan waxaa ka mid ah:
B) Waa maxay aaladaha suuq-geynta elegtroonig ah ee ay
isticmaalaan?
Macnaheedu
waxa weeye haddii tartamayaashaadu ay isticmaalayaan goob gaar ah oo u soo
hoysa guusha iyaga, macaamiishaadu waxay u badan tahay inay halkaas joogaan.
Markaa, waxaad falanqeyn kartaa tayada nuxurka iyo soo-bandhigyada.
Tusaale ahaan, haddii dadwaynahaagu ay yihiin dhalinyaro qaangaar ah ama
dhalinyaro kuwaas oo si aad ah u daneeya tartamada ama qoraalada ereyada ee
Instagram, waa waqtigii aad daryeesho xisaabatka Instagram ee shirkadda oo aad
abuurto qorshe nuxur leh oo jadwal leh.
T) Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee macaamiishooda?
Ogaanshiyaha
caqabadaha ay la kulmaan dadwaynahaagu waxay awood kuu siinaysaa inaad u soo
bandhigto alaabadaada inay yihiin xalal aad u wanaagsan dhibaatooyinkan. Inta
badan, adiga iyo tartamayaashaadu waxaad raadinaysaan inaad xalliso isla
caqabadaha iyo mashaakilaadka ay macaamiishaadu la kulmaan.
Markaad
baarto oo aad barato tartamayaasha, raadso qodobada aysan daboolin, ama waxaa
jira cillado dhankooda ah si aad uga fogaato iyaga gudaha shirkaddaada.
Ciladaani
waxay ku jiri kartaa badeecada ama adeegga lafteeda, ama xitaa dhaqamadooda
suuqgeyneed sida ka jawaab celin la’aanta faallooyinka macaamiisha ama
adeegsiga luqad aan u wanaagsanayn dadwaynaha iyo wixii la mid ah.
Inta
aynaan u gudbin qodobka ku xiga, ogow in shirkadii kula tartamaysaa aanay
macnaheedu ahayn inay beegsanayso isla dadwaynihii.
Markaad
qeexdo dadwaynaha bartilmaameedka ah, ma samaynaysid nuskhad ka mid ah dadka la
beegsanayo ee tartamayaashaada, laakiin waxaad ka faa’iidaysanaysaa dhaqankooda
iyo dadaalkooda si aad si fiican u fahamto dadwaynahaaga, si aad u abuurto
bartilmaameed sax ah.
Dabcan,
haddii tartamayaashaadu ay bartilmaameedsanayaan mid la mid ah kaaga, wax dhib
ah kuma jiro koobiyeynta.
8)
Dib U Qiimee Oo Hagaaji Alaabtaada/Adeegyadaada
Kadib
markaad dhamaystirto dhammaan falanqaynta sare ee suuqa, tartamayaasha, iyo dadwaynaha
bartilmaameedka ah, talaabada xigta waa inaad ku dhaqan geliso dhammaan
macluumaadkan adigoo ka jawaabaya su’aalaha soo socda:
- Maxay yihiin astaama iyo sifooyinka shirkadu soo jiidan
doonta macaamiil badan?
- Maxaa ka hortagi kara ama niyad jabin kara macaamiisha cusub?
- Waa maxay nooca nuxurka iyo xayaysiisyada ay dadwaynahaagu
hadda ama ay u badan tahay inay arkaan?
Falanqayntan
fudud waxay awood kuu siinaysaa inaad si joogto ah u habayso waxyaabaha aad
bixiso ee adeegyada iyo alaabooyinka, sidaas darteeda soo jiido macaamiil
badan.
Xusuusnow in suuqa uu si joogto ah isu beddelayo; Markaa waxaa laga
maarmaan ah inaad joogto si aanad u lumin dadwaynaaaga qiimaha leh ee dhexda ku
jira. Ugu dambeyntiina .. billow dhisidda dadka bartilmaameedka ah!
Go’aaminta
iyo ilaalinta dadwaynaha bartilmaameedka ah waa marxaladda ugu horreysa ka hor
inta aanad bilaabin ololaha suuq-geynta ama xitaa wax soo saarkaaga suuqa.
Xasuusnoow in aysan jirin hal meel oo wax walba u soo bandhigta qof
walba, marka waxaad u baahan tahay inaad ogaato cidda kaliya ee daneynaya waxa
aad bixiso.
Qaado
wakhtigaaga si aad u dhisto oo aad u qeexdo dadwaynaha bartilmaameedka ah ka
hor intaadan bilaabin dhisida ganacsi iyo istaraatiijiyad suuq-geyneed ee
shirkaddaada, Markaa waxaad ogaan doontaa in adiga iyo kooxdaadu aad
badbaadisay waddo dheer oo tijaabo iyo dhibaatooyin ah.
Nala
Wadaag Ra’yigaaga Iyo Faallooyinka, Hana iloobin inaad iska diiwaan geliso
boggayaga si aad u hesho dhammaan waxa cusub.
Ma
Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada.