
Ma-noolayaal Awood U Leh Inay Badalaan Malaayiin Shaqaale
Sida laga soo xigtay Oxford, Kunawaad 20 milyan oo shaqo ayaa laga
yaabaa inay la wareegaan ma-noolayaal ama Robots-yo xilli ay
taariikhdu tahay 2030-ka.
Dhaqaale-yahannadu waxay falanqeeyeen isbadalada muddada-dheer ee ku
saabsan qaadashada automation-ka (otomaatiga/iswadidda) ee goobta
shaqada, iyagoo xusay in tirada robots-yada adduunka laga isticmaalo ay
kordheen saddex laab labaatankii sano ee la soo dhaafay ilaa 2.25
milyan.
Iyagoo cilmi-baarayaashu ay saadaaliyeen in kororka robotyadu ay keeni
doonaan faa’iidooyin dhinaca wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha, waxay
sidoo kale qireen cilladaha la filayo inay soo baxaan isku mar.
Koritaanka Robot-yada
Sida laga soo xigtay sahanka, tirada Robots ee la geeyay goobaha shaqada
afartii sano ee la soo dhaafay waxay la mid tahay tirada robots ee la
geliyay shaqada siddeedii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa la saadaaliyay in sanadka 2030-ka, in ka badan 1.5 milyan oo shaqo ay
la wareegi doonaan robots-yada gudaha dalka Mareykanka, tiradaas ayaa
la filayaa inay kor u dhaafto Shiinaha 11 milyan. Guud ahaan dalalka
xubnaha ka ah Midowga Yurub Ayaa ku dhawaad 2 milyan oo shaqaale ay ku waayi doona shaqooyinkooda sababo la xiriira
automation-ka. (otomaatig/iswadid).
iyada oo dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu weyn uu yahay ku dhawaad shan-meelood meel saamiyada adduunka ee robots.
Dejinta Siyaasad Cusub
Inkasta oo ay suurtogal tahay in shaqo la’aan ay dhacdo, daraasaddu waxay
kula talisay siyaasiyiinta inaysan xaddidin ama dejin sharci ka hortagaya
faafitaanka automation-ka (otomaatig/iswadid).
“Siyaasad-dejiyayaasha iyo daneeyayaasha kale waa inaysan u isticmaalin
natiijooyinkan (oo ah suurtaglnimada shaqo la’aanta) inay carqaladeeyaan
hirgelinta tignoolajiyada robot-ka.” Ujeeddada, sida ay cilmi-baarayaashu
qabaan, waa in ay ahaataa “in loo qaybiyo qaybinta robots-yada si siman oo
caddaalad ah iyadoo la caawinayo dadka u nugul shaqada, si ay ugu
diyaargaroobaan oo ay ula qabsadaan carqaladaha ay keeni doonto.”
Cilmi baadhayaashu waxay soo jeediyeen in dawladuhu ay dhiirigelin dhaqaale
siiyaan shirkadaha iyo shaqaalaha, si ay uga qayb qaataan dadaallada
dib-u-tabaridda maxalliga ah. Waxay sidoo kale ku booriyeen mas’uuliyiinta
inay hirgeliyaan dadaaladan si looga hortago ama loo yareeyo saameynta xun
ee automation-ka (otomaatig/iswadid).
Shaqaalaha ayaa sidoo kale lagula taliyay inay ogaadaan shaqooyinkooda u
gaarka ah si ay si fiican u fahmaan dheelitirka awoodaha aadanaha ee lagama
maarmaanka ah iyo xirfadaha laga yaabo inuu la wareego robot-yada.