Tignoolajiyada

Lacag caddaan ah ma laga sameeyaa Sweatcoin

Lacag caddaan ah ma laga sameeyaa Sweatcoin

Lacag caddaan ah ma laga sameeyaa Sweatcoin

Waxaa maalimihii dambe si wayn u xoogaystay hadal-haynta ku saabsan App-ka
Sweatcoin, kaasoo Soomaali badan ay ka daba dhaceen.


Baraha bulshada ayaa aad looga dareemayay xiisaynta barnaamijkan oo lacag
abaalmarin ah laga helo marka socod la sameeyo.


Dad badan ayaa sida muuqata raadinayay xog ku saabsan app-kan oo aan ahayn
mid cusub, balse baraha bulshada ee Soomaalida laga danaynayay.


Muxuu yahay Sweatcoin?


Waa barnaamij App ah oo ku shaqeeya teleefoonnada gacanta ee casriga ah ee
loo yaqaan “Smartphones”, waxa aadna si lacag la’aan ah uga soo degsan
kartaa suuqyada dhijitaalka ah ee Android, Windows, iyo iOS.


Sanadkii 2016 ayaa markii ugu horraysay la aasaasay barnaamijkan,
saldhiggiisuna waa magaalada London ee dalka Britain.


App-kan waxa ay ujeeddadiisu tahay inuu xisaabiyo inta tallaabo ee aad
qaaddo marka aad socoto ama ordayso. Mar walba tirada socodkaaga ayaad ku
helaysaa lacag abaalmarin ah.


Jimicsiga uu ka mid yahay socodka ee lagu dhimo miisaanka way adag tahay
in la joogteeyo, gaar ahaan marka uusan lahayn wax kugu dhiirrigelinaya,
balse haddii aad abaalmarin ku helayso waxaa laga yaabaa in uu kuu
sahlanaado.


“Ganacsigan gebi ahaantiisba waxaa looga gol leeyahay in qiime loo yeelo
dhaqdhaqaaqa,” ayuu yiri Oleg Fomenko, oo ka mid ah aasaaseyaasha
Sweatcoin, mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Reuters.


“Ugu dambayn, sweatcoin waxa uu hayaa waddada uu qiime ugu yeelan lahaa
lacagta giniga Britain,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Faa’iidooyinka sweatcoin


Sida iska cad app-ka sweatcoin waxa uu leeyahay labo faa’iido oo qof
walba u muuqan karta.


Midda koowaad waa in qofka barnaamijkan isticmaala uu sare u qaadayo
caafimaadkiisa, maaddaama uu helayo jimicsi waxtar u leh jirkiisa.


Tan labaadna waa in laga helayo lacag mar walba ku xiran dadaalkaaga
inta uu gaarsiisan yahay.


Waa hubaal in labadan arrimood ay sabab u yihiin tirada dadka sii
badanaya ee soo degsanaya app-kan oo hadda gaaraysa ilaa 100 milyan,
sida lagu sheegay bogga internet-ka ee sweatcoin.


Khasaaraha sweatcoin


Sweatcoin kama duwana barmnaamijyada noociisa ah ee kaydiya xogta
khaaska ah ee dadka macaamiisha u noqda, inta badanna walaac ayaa
laga muujiyaa arrintaas.


Bogga barnaamijkan ayaa si toos ah u caddaynaya in qaybo ka tirsan
xogtaada ay qaadanayaan si ay mararka qaar kuula soo xiriiraan
shakhsi ahaan ama ujeeddooyin silloon ay u adeegsan karaan.


Waxaa intaas dheer in macluumaadkaaga ku jira bogga aad ku leedahay
sweatcoin, sida sawirkaaga iyo magacaaga, uu heli karo qof walba,
dibna uu u isticmaali karo.


Mowduucan waxa uu horay u dhaliyay muran xoog leh oo la xiriira
shirkadaha internet-ka.


Hadda waxaa taagan muran la xiriira TikTok oo lagu eedeeyay in uu si
sharci-darro ah u isticmaalo macluumaadka macaamiisha. Mareykanka
ayaa dhowr isbuuc ka hor laga billaabay dood lagu doonayo in gebi
ahaanba lagu xiro TikTok.


Sidoo kale, waxaa horay walaac xooggan looga muujiyay halista ka
imaan karta barnaamij dhowr sano ka hor aad loo xiisaynayay oo lagu
magacaabo FaceApp.


Khasaare kale oo barnaamijkan uu leeyahay waa in uu u daran yahay
beteriga moobilka oo uu cimri-degdeg ku rido.


Lacag caddaan ah ma laga helaa?


Shaki kuma jiro in sweatcoin uu yahay app si sax ah u shaqeeya oo
aan dadka lagu marinhabaabinayn.


Barnaamijkan marka aad isticmaalayso waxa uu 1,000 tallaabo oo
kasta kuu xisaabinayaa 0.95 oo ah lacagta gaarka u ah ee loo
yaqaanno sweatcoin.


Marka ay lacagtan kuu gaarto 10 coin iyo wax ka badan ayaad
isticmaali kartaa, adigoo ku iibsanaya qalab iyo adeegyo kale.


Ilaa hadda, lacagta sweatcoin ma noqon karto lacag caddaan ah,
balse waxa ay ka mid tahay lacagaha dhinaca internet-ka looga
adeegto.


Suuqyada online-ka ayaad ka dukaamaysan kartaa adigoo
isticmaalaya lacagta sweatcon-ka ee kuugu jirta akoonkaaga.


Meelaha aad uga adeegsan karto waxaa ka mid ah Amazon ama waxaad
ku heli kartaa kaararka wax lagu iibsado ee PayPal-ka. Laakiin
lacagta kuugu jirta akoonka sweatcoin kuma xawili kartid
akoonkaaga bangiga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button