
Ma jeclaan lahayd inaad cillaan saarto, adigoo waliba damaanad qaadaya cillaan saariddaada ugu horraysa inay noqoto mid qurux badan, ama ugu yaraan noqoto mid macquul ah, misna la qaadan karo.
Laakiin siday ku suurtagalaysaa midatan, inagoo og in wax walba bilawgoodu ay badanka ina qancin, se waaba cillaan saaris
Hagaag, ugu horrayn adigu waxaad cuskanaysaa ama aad ku tiirsanaanaysaa agab fudud, kaasoo guri walbaa laga heli karo, ama ugu yaraan dukaamada yaala, waana xabagta ama koolada waxa loo yaqaan.
Waxaan kuu reebayaa xidhmooyin muuqaallo ah oo ku saabsan cillaan saarista, taasoo la adeegsanayo xabag ama koolo oo kaliya, adigoo xulanaya naqshad walba ee aad doonto, tixraacayana hab-raaca naqshada aad rabto inaad samayso.
Dabcan way fudud tahay cillaan saaristan, waxayna kuu noqonaysaa waayo-aragnimo fiican, ciddii aanan awoodinna inay ciidan soo xinnaystaan ama soo cillaan saartaan waxaan ugu la talin lahaa inay iyaga iskood isku cillaan saaraan, lana qayb-qaataa farxadda dadka kale.