
Hel Photoshop Bilaash Ah
Naqshadayaasha qaar ayaa shaqdoodu ay ku tiirsan tahay Photoshop, waana mid ka
mid ah app-ka ugu fiican uguna wax tarka badan ee qabta shaqooyinka
naqshadaynta.
Qofka kasta oo rabana inuu soo galo majaalkan waxaa bilawga hore lagu taliyaa
inuu barto barnaamijkan.
Photoshop waa barnaamij ay soo saartay shirkada adobe, wuxuuna ka mid yahay
barnaamijyadeeda ugu caansan, wuxuuna xoogaa yar u dhawyahay barnaamijka kale
ee lagu magacaabo Adobe Illustrator.
Isku soo wada duub, dadyaw badan ayaa jeclaan lahaa inay isticmaalaan
Photoshop, hasa yeeshee waa lacag.
Laakiin dhibkaa anaa kuu xalinaya maanta, adigoo awood buuxda u yeelan doona
inaad hadda kadib Photoshop si bilaash ah ku isticmaali kara, misna samayn
kara waxyaabaha ay sameeyaan naqshadayaasha kale.
Laakiin nasiib xumo, waxa kaliya fursadan ka faaidaysan kara dadka isticmaala
windows-ka, reer Apple iga raali ahaada markan, idinku xoogaa dhibaa idin ka
haysto waxyaabaha qaar.
Tag maqaalka xagiisa danbe, ka dibna gujji badhanka kuu soo baxa, wuxuuna kuu
dirayaa webste-ka uu faylku yaalo, kaasood ka soo dagsan karto Photoshop-ka.
Sidee Photoshop Loogu Install-gareeya Laptop-ka
- Ugu horrayn, waa inuu windows-kaagu ahaadaa 10 iyo wixii ka sarreeya
- Operating System-kuna waa inuu ahaadaa 64 Bit
- Waa inuu laptop-kaagu ugu yaraan ka bannaan yahay 5GB
-
Waa inuu laptop-kaagu ku jiraa app-kan lagu magacaabo Winrar, si aad u furto
file-ka, haduusan ku jirinna ka soo dagso halkan - Waa inaad Extract-garaysaa file-ka
- File-kuna wuxuu leeyahay Password waana: 123
-
Waa inaad install garaysaa photoshop adigoo ku dhufanaya app-kan lagu
magacaabo (autoplay.exe)
FG: hadii install-ka cillad ay ka jirto ama si guud ay cillad u jirto sida
shaqayn la’aan iyo wixii la mid ah, fadlan delete-garee oo dib u
install-garee.
Password waa: 123