AppTignoolajiyada

Facebook Oo Loollan Adag Kula Jirta TikTok

Facebook Oo Loollan Adag Kula Jirta TikTok

Facebook Oo Loollan Adag Kula Jirta TikTok

Tech Tent ayaa toddobaadkan sheegtay facebook inuu loollanka adag uu
kala kulmayo adeegga baraha bulshada ee lagu wada xiriiro
TikTok.

Toddobaadkan laba arrimood oo muhiim ah ayaa ka soo ifbaxay TikTok,
lacagta la yaabka leh uu TikTok sameeyo mulkiilaha facebook Mark
Zuckerberg oo isna u arkay inuu TikTok yahay mid tartan adag kula jira
ganacsigiisa.

Sawir ay wakaaladda Reuters baahisay ayaa wuxuu muujinayaa mulkiilaha
TikTok Byte Dance inuu helay dakhli u dhaxeeya $7 bilyan ilaa iyo $8
bilyan oo doolar lixdi bilood ee ugu horreysay sanadkan.

Sanadki hore xilligan oo kale qasaaro ayey la kulantay balse sanadkan
faa’ido lama filaan ah ayey soo hooysay.

Mark Zuckerberg ayaa isaguna aaminsan inuu tartan adag uu Facebook ka
soo wajahay dhanka TikTok.

Cod sir oo laga duubay shir ay shaqaalaha facebook ka yeesheen
arrintan oo lagu baahiyey bogga tech new site wuxuu shaqaalahiisa u
sheegay sida uu TikTok uu si xowli ah uu ugu soo kobcayo.

“Waa barnaamijki internetka oo ugu horreeyey oo ay sameyso shirkadda
weyn oo dhinaca teknooloojiyadda oo laga leeyahay dalka Shiinaha
taasoo si weyn u qabsatay dunida. Billowgeedaba waxaa ka muuqda
horumar fiican waxayna si wacan looga soo dhaweeyey Mareykanka, gaar
ahaanna dhalinyarada yaryarka ah. Dalka Hindiyana si weyn ayuu ugu
meel maray. Marka waxaad moodda sida uu Instagram hadda ka hor uu caan
ugu noqday si la mid ah inuu ku socdo. Haa waa dhacdo soo jiidasho
leh.”

TikTik siduu dhalinyarada ula weyn yahay?

Arrinta waxaan ku yara iftiimiey hadal aanka jeediyey dugsiga South
Wales dhawr toddobaad ka hor. Wuxuu si layaab leh uu u soo jiitay
dhalinyarada ay balwadda u tahay isticmaalka baraha bulshada. Sida ay
Facebook hadda ka hor tartan ugu hayeen Snapchat iyo Instagram ayuu
Facebook loollanka kala kulmayaa TikTok.

Shirkadda AppAnnie oo baaritaan ku sameyso barnaamijyada taleefannada
gacanta la isticmaalo ayaa waxay sheegtay iney hayso caddeymo
muujinaya koritaanka xowliga ee TikTok.

Khabiir falanqeeyo teknooloojiyadda Yurub Paul Barnes wuxuu BBC u
sheegay dadka ka baxsan dalka Shiinaha ee taleefannada Smart
isticmaalo iney 1.1. bilyan oo saacadood ay itsicmaaleen bishi
August oo keli ah, taasoo ka dhigan marka sanadki hore xilligan oo
kale la barbar dhigo 400% uu sare u kacay.

Wuxuuna intaa ku daray heerka ka go’naashaha dadka isticmaala TikTok
ay walwal ku abuurto baraha kale ee ay bulshada ku wada xiriirto waa
suuragal.

Balse waxaa loo baahan yahay iney maanka ku hayaan Muuqaal fiican oo
TikTok inuu u baahan in wakhti badan la geliyo halka ay baraha kale
inaad sawir geliso ama sawir ku tuurto ay fududdahay.

Hase yeeshee, TikTok waxaa lagu dhaleeceeyaa inuu ammaankiisa uu
sugneen oo uu u baahan yahay wax ka qabasho.

Baaritaan ay BBC sanadkan TikTok ku sameysay ay ku ogaatay inuu ku
guul darreystay iney xirto cinwaanno ay dhalinyaro ka hadleysay
xadgudubyo jinsi iyo galmo la xiriira ku baahiyey TikTok.

Laakiin waxaa shaki kujira in malaayiinta qof ee isticmaala TikTok
ee Yurub iyo Mareykanka midkood ay yaqaannaan ama ka warqabaan in
TikTok ay tahay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button