HurdadaNoloshaTalooyin

Faa’iidooyinka Ay Leedahay Hurdada


Faa’iidooyinka Ay Leedahay Hurdada

Faa'iidooyinka Ay Leedahay Hurdada


Hurdadu waxay ka mid tahay waxyaabaha aadka muhiimka ugu ah aadamaha
sida khubaradu ay sheegeen.Waxaana mar walba maqalnaa ama aragnaa
tallooyinka dhaqaatiirta ee la xiriira in qofku helo hurdo wanaagsan si
uu uga badbaado cudurro badan oo ka dhasha hurdo la’aanta.Dhaqaatiirta
ayaa sidoo kale sheegaya in hurdadu,ay tahay cuntada jirka bani’aadamka
waana hab lagu dhiso laguna dajiyo oo lagu sugo caafimaadka maskaxda
qofka.


Qofka oo aan helin hurdo ku filana waxaa ku dhaca isbadal dhanka nolasha
guud ah iyo tan caafimaadka maskaxdiisa sida ay khuburadu qabaan. Waaxda
caafimaadka dalka Ingiriiska ee NHS, ayaa mar ay ka warbixinaysay
muhiimadda hurdada,faa’idooyinkeeda iyo waxyeellooyinka ka dhalan kara
hurdo la’aanta waxaa ay sheegtay in saddexdii qofba mid ka mid ah uu la
ildaran yahay hurdo la’aan welwel iyo shaqo dheeraad ah.


Warbixinta ayaa lagu sheegay in hurdadu muhiim u tahay caafimaadka
aadanaha, sababtoo ah waxay bogsiisaaa oo hagaajisaa wadnaha iyo xididdada
dhiigga. Hurdo la’aanta ayaana lala xiriiriyaa khatarta caafimaad ee
kordheysa cudurada wadnaha,kelyaha, dhiig-karka,iyo macaanka.


Sababaha aaney dad badan hurdo ku filan u helinna waxay u badan tahay
niyad-jabka iyo feejignaan la’aanta khataraha ku imaan kara qofka haddii
uusan si wanaagsan u hurdin.Sidaa darteed ayaa helidda hurdo ku filan ay
muhiim u tahay inuu qofku joogteyo hab -nololeed caafimaad leh uuna sare u
qaado tayada noloshiisa .Sida ay sheegtay NHS, hurdadu waxay kordhisaa
awoodda galmada.


Dr. Shehu Saalax,oo ah agaasimaha Isbitaalka Dhimirka ee Kware ee Gobolka
Sokoto ee dalka Nigeria, kuna takhasusay caafimaadka dhimirka ayaa BBC -da
uga waramay muhiimadda iyo saameynta hurdadu u leedahay caafimaadka
aadanaha.


Meeqo saac ayaan u baahannahay in aan seexanno?


Xaddiga hurdada ee qofku u baahan yahay waxay ku xirantahay da’diisa,
sababtoo ah qaar dadka ka mid ah ayaa u baahan hurdo badan qaarna in yar
ayay u baahanyihiin.Dr Shehu Saalax ayaa sheegay in qof kasta oo
bani’aadam ah uu seexdo hurdo wanaagsan marka loo eego da’diisa.


Arrinta muhiimka ah ayaana ah inuu qofku oggaado inta saacadood ee u
baahanyahay inuu hurdo isla markaana uu isku dayo qofku in helo hurdo ku
filan caafimaad ahaan.Khabiirku wuxuu sheegay in carruurta yaryar ay
seexdaan qiyaastii 20 saacadood maalintii 24kii saacadoodba. Carruurtu
waxay seexan karaan sidoo kale ilaa 18 saacadood.


Dadka da’doodu ka wayntahay 18 sano waxay u baahan yihiin ugu yaraan 8
saacadood si ay u helaan hurdo ku filan.Kuwa ka weyn 60-ka ilaa 70-ka
lix ilaa afar saacadood ayaa ku filan, sida uu dhakhtarku
sheegay.Da’kasta oo dadkaas ka mid ah haddii ay helaan hurdo ku filan,
waxay u badan tahay inay xoog yeelan doonaan oo caafimaad ahaan
doonaan maalinta xigta wakhtigaas ay seexdeen huradada wanaagsan
haddii kale, waxaa jiri doona isbeddello badan iyo dhibaatooyin ay la
kulmi karaan.Haddii qofku soo tooso isagoo daallan isla markaana muddo
yar kadib uu hurdo dareemo, tani waxay calaamad u tahay inuusan
qofkaasi helin hurdo ku filan.


faa’iidooyinka hurdada


Hurdadu waxay dawo u tahay xanuunno badan oo ku dhaca aadanaha,
dhakhtarkuna wuxuu sharraxay faa’iidooyinka uu helo marka uu qofku si
wanaagsan u seexdo.

  • Hurdadu waxay hagaajisaa difaaca jirka
  • Hurdadu waxay hagaajisaa caafimaadka maskaxda
  • Hurdadu waxay kordhisaa awoodda galmada
  • Hurdadu waxay daawo u tahay sonkorowga iyo wadne xanuunka
  • Hurdadu waxay qofka siisaa degganaansho maskaxeed
  • Hurdadu waxay kobcisaa maskaxda.


Xiriirka ka dhexeeya hurdo la’aanta iyo tabaryarida dhanka galmada


Baaritaan caafimaad ayaa muujinaya in hurdo la’aantu ay yarayso
rabitaanka galmo ee ragga iyo dumarkaba isla markaana ay yarayso
awooddooda.Waxaa kale oo la sheegay in hurdo la’aantu ay ka mid
tahay sababaha ugu waaweyn ee keena dhalmo la’aanta ragga iyo
dumarka labadaba.


NHS -ta UK ayaa sheegtay in qofka oo aan helin hurdo ku filan ay
arintaasi keeni karto madhalaysnimo.


Maxaa kugu dhacaya haddii aadan seexan karin?


Waxaa jira calaamado qofka lagu arko hadii uusan helin hurdo ku
filan ama uusan seexan.Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in hurdo
la’aantu ay caafimaadku ku leedahay saameyn ba,an taas oo ay tahay
inuu qofku aad uga taxadaro


Dr Shehu Saalax ayaa waxyaabaha ka dhalan kara hurdo la’aanta ee
caafimaad darrda ah ku sifeeyay qodobbada hoos ku qoran.

  • Hurdo la’aantu waxay qofka ku riddaa xaalad welwel ba’an, ah
    ugu dambeyna dadka qaar ayaa ku fikira inay is dilaan ama wax
    dilaan.
  • Hurdo la aanta ayaa qofka ku ridda cabsi iyo argagax
  • Waxaa ka dhasha hurdo la’aanta laabjeex ama waxa loo yaqaanno
    laab-dilaac
  • Sonkorowgu wuxuu noqon karaa mid daran hurdo la’aanta
    awgeed
  • Caro ama xanaaq ayaa ka dhasha hurdo la’aanta
  • Hurdo la’aantu waxay keentaa jahawareer qofka ku dhaca
  • Hurdo la’aantu waxay keentaa hilmaam
  • Hurdo la’aantu waxaa ka dhasha aragga oo daciifa
  • Dadka darawallada ah ee aan helin hurdo ku filan waxay hurdo
    la’aantu ku sababtaa shil
  • Cadaadiska dhiig oo sarreeya ayaa laga yaabaa inay sabab u
    tahay hurdo la’aanta.


Teleefoonka gacanta xiliga hurdada


Khubarada caafimaadku waxay uga digeen dadweynaha gaar ahaan
dhallinyarada inay isticmaalan taleefannada gacanta xiliyada
hurdada. Dr. Shehu Saalax ayaa sheegay in isticmaalka
teleefoonka gacanta uu qayb ka yahay wxayaabaha keena hurdo
la’aanta .Khabiirku wuxuu leeyahay qofka waa inuu kala saaraa
wakhtiga hurdada iyo isticmaalka taleefankiisa.Taleefanka
gacanta oo la isticmaalo xiliga hurdada ayaa keeni kara walwal
iyo jiif la’aan iyo aragga indhaha oo naxuuso ama yaraada.


Ugu dambeyn dhakhaatiirta ayaa dadka kula talinaya in maadama
hurdadu u wanaagsantahay cafaimaadka ay tahay in arrintaas
mudnaanta la siio oo qofku uu horey u seexdo uuna ku nagaado
ilaa laga gaarayo wakhtiga ku habboon inuu ka kaco.
Aqoonyahannada ayaa ka digaya keniiniyada hurdada ee
xad-dhaafka loo isticmaalo kuwaas oo faa’iidooyinkodu
yaryihiin saameyntooda caafimaadna ay darantahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button