
Cristiano Ronaldo Miyuu Ka Tagayaa Kooxdiisa?
Xiddigga kubbadda cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa ka tegay kooxda
Manchester United, ka dib waraysigii uu bixiyay todobaadkii hore ee uu
kaga hadlay arrimo xasaasi ah.
Waraysigaas oo uu Ronaldo ku dhaliilay tababare Erik ten Hag, milkiilayaasha
naadiga iyo weliba laaciibiin hore oo ay ka mid yihiin Gary Neville iyo
Wayne Rooney ayaa waxa uu soo dedejiyay in maamulka Man United ay go’aan ka
gaaraan laaciibkan ka midka ah kuwa ugu magaca dheer kubbadda cagta.
Qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in maamulka naadiga
uu mar ku fekeray inuu cayriyo Ronaldo, ka dib na uu maxkamad la tiigsado
arrimaha uu waraysiga ku sheegay awgood.
Ronaldo oo August 2021 ku soo noqday Manchester United ayaa wadar ahaan u
dhaliyay 145 gool 346 kulan oo uu u saftay. Waxa uu ka mid yahay xulka
Bortaqiiska ku matalaya Koobka Adduunka ee ka socda Qatar.
Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand ayaa sheegay in go’aanka
uu dan u yahay kooxda iyo Ronaldo qudhiisa.
“Waxaa iska cad in Cristiano uu waraysigaa bixiyay si uu u muujiyo
dhibaatada uu ku qabo kooxda, waxaana uu doonayay inuu ka tago. Dhinaca
kale, waxay ila tahay in Erik Ten Hag uu helay wixii uu doonayay. Marka
labada dhinacba waa ay ku faraxsan yihiin go’aanka,” ayuu BBC-da u sheegay
Ferdinand.
Ronaldo ayaa sida muuqata ka carooday qaabka uu ula dhaqmay tababaraha
cusub ee Manchester United oo kulamo dhowr ah uga tegay kursiga keydka.
Haddaba maadaama uu Ronaldo yahay laacib aan haysan koox uu u ciyaaro,
muxuu noqon karaa mustaqbalkiisa kubbadda cagta?
Wareysigii uu dhawaan bixiyay waxa uu ku sheegay in uu ciyaaraha ka
fariisan doono haddii uu ku guuleysto Koobka Adduunka. Dabcan waxa uu
heystaa fursad uu riyadaas ku rumeyn karo, haddana waxa uu hoggaan u
yahay xulkiisa qaranka oo Qadar uga qeyb galaya tartanka Koobka Adduunka
ee 2022.
Laakiin hadalkaas waxa ay dad badan u fasirteen kaftan, waxaana la
aaminsan yahay in Ronaldo ay weli u dhiman tahay ciyaar.
Dhowr koox ayaa la saadaalinayaa inay doonayaan laaciibkan goolasha
ugu badan ka dhaliyay kubbadda cagta adduunka. Waxaa kamid ah:
Bayern Munich
Kooxdan ka dhisan Jarmalka ayaa la saadaalinayaa inay kamid tahay
kooxaha waaweyn ee ka faa’iideysan kara Cristiano Ronaldo.
Waxaa xilli ciyaareedkan ka tegay Robert Lewandowski oo aan booskiisa
weerarka si wanaagsan loo buuxin.
In kooxdan caalamiga ah uu u safto ayaa fursad muhiim u ah laacibkan
37 jirka ah ee Bortaqiiska u dhashay.
Napoli
Waxaa sidoo kale la saadaaliyay in Ronaldo uu ku laaban karo horyaalka
Serie A, waxaana loo badinayaa in kooxda Napoli ay fursad wanaagsan u
tahay weeraryahankan.
Napoli ayaa hoggaaminaysa horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedkan,
waxaana wacadaro ay ka dhigtay tartanka Champions League ee loo gudbay
wareegga 16-ka.
Ronald ayaa horay ugu ciyaaray kooxda Juventus ee magaca weyn ku leh
kubadda cagta Yurub.
Chelsea
Kooxdan ka dhisan Ingiriiska ayaa kamid ah kuwa la saadaalinayo inuu
ku biiri karo Ronaldo. Waa naadi taariikh leh, balse ciyaarihii u
dambeeyay uu xaalku ku xumaa.
Sidaa oo ay tahayna, ku biiridda Chelesea ayaa Ronald u noqon karta
fursad uu kaga sii ciyaaro Champions League-ga.
Marka laga soo tago kooxaha Yurub, Cristiano Ronaldo ayaa u wareegi
kara dhanka Maraykanka iyo horyaalka kubadda cagta ee Major League
Soccer (MLS).
Waxaa jiray warar soo baxay oo sheegaya in Ronaldo uu ku biiri doono
kooxda Inter Miami ee uu leeyahay laacibkii hore ee Manchester
United, David Beckham.
Taas waxaa sii dheer hadal-heyn kale oo ku saabsan in xiddiggan uu
u jiheysan karo dhinaca Sacuudiga oo la xasuusto in xagaagii lasoo
dhaafay looga gacan haatinayay, sida ay shaaciyeen warbaahin badan.