About
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Marka hore waanu idinku soo dhawaynayaa maqaalkan waxaanan idin leenahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu, Dabcan waxaan sameeyay dagal aan ugu magac daray IGU KAALAY si aan uga faaidyasano macluumaadyo iyo adeegyo badan oo bilaash ah, ka hor intaanan samaynin dagalkan, waxaan ka fekeray mawduucyada ay jecel yihiin dadka badanaa, gaar ahaan dhalinyarada, Kadib waxaan naftayda ku idhi: “Waxaad Ku Fiican Tahay Soo Bandhigida Macluumaadyo” Si ay fariintaaydu u gaadho dad badan loogana faaidaysto.
Aanig oo rumaysan waajibaadkayaga ku aadan tayeynta macluumaadyada af-Soomaaliga ah, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay bixinta macluumaad gaar ah oo ku saabsan goobtan, kaas oo kooxda daabacadu ay ku qori doonaan warar iyo maqaallo, ayna kuugu soo bandhigi doonaan tignoolajiyada cusub iyo wararka aqoonta. iyadoo diiradda la saarayo waxa faa’iido u leh isticmaalaha Soomaaliga Ah, gaar ahaan kuwa xiiseeya Tignoolajiyada iyo horumarkeeda.
Mareegahan ayaa sidoo kale daabici doona maqaallo la xiriira tignoolajiyada, Ganacsiga, Talooyinka, IWM Waxa intaa dheer IGU KAALAY waxay kugu soo dhaweyneysaa inaad wax ka qorto maqaalo khusaynaya qofka soomaaliga ah, markaa haddii aad rabto inaad wax ka qorto, ha ka waaban inaad la xiriirto maamulka goobta halkan, ama mid ka mid ah xisaabaadkayaga iyada oo loo marayo baraha bulshada.
Dagalkan Ama Mareegahan waxaa maamula oona leh anigoo la igu magacaabo Maxamed.
Dhammaan dadka soo booqda ee weydiisanaya xalinta mashaakilaadka ama la talinta, Waxaana isku dayeenaa inaan ka falcelino, sidoo kale waxaan siinaa caawimaad intii karaankeena ah.
Waxaan kaaga mahadcelineynaa inaad noogu soo booqatay boggayaga, Waxaanad Nootahay Marti.