
5 Talo Oo Lagaga Adkaan Karo Dareenka Cabsida Ee Guuldarrda
Si aad u gaadho guusha aad waligeedba u rajaynaysay noloshaada, waa in aad
marka hore ku dadaasho sidii aad uga adkaan lahayd dareenka cabsida ee
mararka qaar kaa celinaysa in aad hore u socoto. Si aad dareenkaas meesha
uga saarto waa in aad raacdaa 5-tan talo ee muhiimka ah ee aan kaa siin
doono inta lagu guda jiro maqaalkan.
Waa Maxay Guuldarrada?
Guul-darradu ama Fashilka waa mid ka mid ah waayo-aragnimada ugu dhibka
badan ee soo marta bini’aadamka, Sababaheedu way kala duwan yihiin waxayna
ku xidhan tahay waayo-aragnimada, iyo saamaynta ay ku leedahay dadka hadda
iyo kuwa mustaqbalka, iyo xaaladaha nafsiga ah ama jireed, fikradan ayaa si
buuxda uga hor imanaysa fikradda guusha, taas oo ka mid ah yoolalka nolosha
sare ee ay inta badan dadku raadiyaan inay ka gaadhaan dhinacyada kala
duwan. nolosha, aqoonta, xirfada, bulshoda, qoyska iyo qaar kaleba, si looga
fogaado saamaynta xun ee guul-darradu leedahay, loogana hortago waayahaas
qadhaadhka ah, waxaynu xusi doonnaa 5 Talo Oo Lagaga Adkaan Karo Dareenka Cabsida Ee Guuldarrda
waana kuwan:
Koobaad: Ka Fikir Fursadaha Wanaagsan Ee Aad Seegtay
Talaabada ugu horeysa ee aad qaadayso si aad ugu guulaysato inaad xakamayso
cabsida aad ka qabto guuldarada waa inaad ka fikirto dhamaan fursadaha
wanaagsan ee cabsi darteed kaaga luntay, Ha u ogolaan wax dareen cabsi ah in
uu kaa fogeeyo yoolalkaaga iyo riyadaada guusha.
Labaad: Go’aan Qaado
Si aad uga adkaato dareenka cabsida ee guul-darrada, waa inaad qaadataa
go’aan adag oo degdeg ah oo ku saabsan cabsidan ku haysa, taas oo ah inaad
isticmaasho dhammaan awoodaha uu Eebbe ku siiyey, si aad uga adkaato
dareenka cabsida iyo inaad yeelato awood, iyo dulqaad aad ku gaarto guul,
iyo u dhabar adayga, aadna oofiso riyooyinkaaga iyo rabitaankaaga.
Saddexaad: Cabsidaada Qor
Si aad ugu guulaysato inaad ka adkaaato dhammaan cabsidaada, waa inaad
raacdaa qaar ka mid ah hababka wax ku oolka ah ee ay tilmaameen dadka
cilmu-nafsiga ahi, sida inaad qorto dhammaan waxyaalaha kaa cabsi gelinaya
inaad qabato shaqo kasta oo nolosha ah, iyo sidoo kale inaad qorto sababaha
keenay cabsidaas, intaa kadib waa inaad naftaada ku tidhaahdaa “Uma ogolaan
doona maanata ka dib in ay i cabsi galiyaan”
Afaraad: Qaado Nasasho
Waa lagama maarmaan in la qaado tallaabooyin jireed iyo mid maskaxeed si
aad ugu guulaysato inaad ka adkaato dareenkaaga cabsida, sida inaad nasato,
ood is dajjiso, si aad jidhkaaga uga saarto xiisadda ka horjoogsata inuu si
habboon u fekero oo uu go’aan sax ah qaato.
Shanaad: Lasoco Sheekoyinka Guusha
Haddii ay dhacdo in aad dareento in aad si degdeg ah ugu baahan tahay
dhiirigelin si aad uga adkaato dareenka cabsida guuldarrada, waa in aad
hubisaa in aad akhrido sheekooyinka dadka guulaysta iyo tillaabooyinka u
sahlay in ay gaadhaan dhammaan guulahaas waaweyn ee nolosha. si ay
qisooyinkaas casharka ugu weyn uga qaataan ugana faa’iidaystaan waaya aragnimadooda.
Markaad raacdo tilmaamahan muhiimka ah, waxaad ku guuleysan doontaa inaad
ka adkaato dareenkaaga cabsida ah, taas oo kaa hor istaageysa inaad gaarto
guulo la taaban karo oo nolosha ah.
Nala Wadaag Ra’ayigaaga Oo Ha Iloobin Inaad Sii Akhriso Maqaalada Kale
Ee La Xidhiidha Maqaalkan.
Ma Ka Heshay Maqaalkan? La Wadaag Asxaabtaada.