
5 Siyaabood Oo Aad Uga Faa’iidaysan Karto Wakhtigaaga Si Aad U Noqoto Mid
Wax Soo Saar Badan Leh
Weligaa ma dareentay in saacadaha maalintii aanay kugu filnayn? Waxaa jira
dhowr siyaabood oo aad uga faa’ideysan karto wakhtigaaga si aad u xaqiijiso
yoolkaaga maalinlaha ah. Sideen uga faa’ideystaa wakhtiga? Jawaabta
Su’aashan waa mid fudud.
Aqoonso waxyaalaha wakhtigaaga qaadanaya, ama ku gelinaya nooc ka mid ah
dib-u-dhigasho, oo u samee isbeddel ku habboon.
Waa kuwan shan siyaabood oo fudud oo aad wakhtigaaga uga faa’iidaysan
karto, oo aad ka dhigi karto mid wax soo saar badan leh:
1- Yoolalkaaga Caddee
Ujeedooyinka Ama Yoolalka aan caddayn kuma siin doonaan dhiirigelin kugu
filan, markaa waxaad ku dhici doontaa dabin dib u dhigasho ah halkaasoo ay
fududahay inaad dib ugu dhacdo cudurdaarkii hore ee ahaa “ma jiro wakhti igu filan“. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad leedahay hadaf gaar ah oo cad, sida
inaad iibsato guri 100,000 dollar ah middo laba sano gudahood, Markaa waxaad
yeelanaysaa yool aad ka shaqaynayso si aad u xaqiijiso, Mar kasta oo aan ku
adkaysto yoolkaaga, waa inta aad ku sii dhiiran doontaa inaad gaadho.
Marka aad niyadda ku hayso yoolkaaga, Waxaad awood u yeelan doontaa inaad
shaqada u qabato qaab isdaba joog ah ama si xiriir ah, taas oo ugu
dambayntii kuu horseedi doonta inaad gaarto yoolkaaga.
Waxa jirta xog cilmiyeysan oo taageerta mabda’an, oo loo yaqaan “Theory Setting theory”, iyadoo aragtidan ay ku saleysan tahay daraasad la sameeyay lixdameeyadii
qarnigii hore oo ay sameeyeen Drs. Edwin Locke iyo
Gary Latham, Cilmi-baarista la sameeyey waxay la xiriirtaa xidhiidhka
ka dhexeeya waxqabadka iyo yoolalka, waxa ay xaqiijiyeen in uu
jiro xidhiidh adag oo ka dhexeeya nooca yoolka iyo waxqabadka shaqo ee
dadka, Guud ahaan, yoolalka gaarka ama yoolalka cayyiman (magacaaban) waxay
ka waxqabad badan yihiin ama ay ka waxtar badan yihiin yoolalka aan la
cayyimin.
2- Samayso Hab Dhaqan Kuu Gaar Ah Islamarkaana Joogtee
Si hufan uma maaraynaysid wakhtigaaga marka aanad u hoggaansamin
hab-dhaqameedyada guusha leh. Markaa waxaa lagugu la talinyaa inaad yeelato
hab dhaqan kuu gaar ah oo guul leh, sida inaad goor hore kacdo subixii si
aad waqkhti ugu hesho hawlahaaga, iyo inaad naftaada wakhti siiso si aad u
hormariso xirfadaada, IWM.
Markaad Samaysato hab dhaqan kuu gaar ah islamarkaana aad joogteeso, waxaad
ogaan doontaa in muddo ka dib ay kuu fududaan doonto inaad waqti badan
geliso waxyaabaha aad rabto inaad gaadho sababtoo ah hab dhaqanka la
joogteeyo badanaa waxay noqodaan caado.
3- La Xisaabtan Naftaada
Isla xisaabtan la’aantu waxay kuu sahlaysa inaad ku dhacdo dabinka ah
dib-u-dhigashada, taasoo kugu adkaan doonta inaad hesho dhiirigelinta lagama
maarmaanka ah si aad wakhtigaaga uga faa’idaysato, tani waxay sidoo kale
khusaysaa mashaariicdaada aad aadka u xiisaynayso.
Xalka tani waa mid aad u fudud maadaama aad u baahan doonto qof kula
xisaabtama. La-xisaabtanku aad buu u caawin karaa arrintan, tusaale ahaan,
Yeelo la-taliye, saaxiib ama naftaada ama xitaa lammaanahaaga oo hubiya
shaqadaada si uu u eego inta horumarka aad ka samaynayso yoolalka aad
dejisay.
Markaad ogaato in lamaanahaasi uu xisaabin doono shaqadaada, Waxay u badan
tahay inaad aad uga taxadarto inaad wakhti ku filan siiso mashaariicdaada
iyo yoolalkaaga.
Kaliya ilaalinta qofkaas ama naftaada ayaa kugu dhiirigelin doonta inaad
joojiso dib-u-dhigashada oo aad bilowdo inaad ka shaqeyso yoolalkaaga dhabta
ah ee muhiimka ah.
4- Jooji Caadooyinka Xun Xun
Way adagtahay in aad la kulanto xaqiiqda ah in wakhti la’aantaada lagu
eedeeyay inta badan ay ka dhalato caadooyinka xun. Tusaale ahaan, ma
huruddaa maalintii oo dhan? Mise waxaa tahay kuwa habeenkii in badan daawada
TV-ga? Mise waxaad isticmaala baraha bulshada mar walba? Mise waxaa laga
yaabaa inaad tahay qofka had iyo jeer asxaabta iska raaca iyadoon dani
jirin?
Ugu yaraan, waxa laga yaabaa inaad haa kaga jawaabtay mid ka mid ah
su’aalahan, maadaama aynu nahay bini’aadam Qof kastaa wuxuu u baahan yahay
inuu naftiisa ka saaro daalka, ama uu nasto mar mar, Qaadashada wakhti fasax
waxay runtii noqon kartaa mid faa’iido leh, laakiin haddii aad tahay qof
sameeya caadooyinkan oo dhan maalin kasta, markaa waxaad aqoonsatay ama aad
ogaatay caadooyinkaaga xun xun, taas oo aad si fudud u bedeli karto, si aad
u badbaadiso waqti badan.
Sidee ayaan is badal u samayn karaa?
Hagaag… waa inaad si tartiib tartiib ah u socotaa, tusaale ahaan, waa inaad
30 daqiiqo maalintii gabi ahaanba ka maqnaataa ama xannibaad iska saartaa
baraha bulshada, ama caadada xun, ka dib waxaad wakhtigan gelin kartaa sidii
aad u horumarin lahayd mihnadaada ama shaqadaada amaba xottaa xirfadaada,
adigoo wax akhriya ama wax baranaya, ama baranaya xirfado cusub, kuwaas oo
aad hore ugu fikirtay, ama aad sheegtay in aanad haysan wakhti aad ku
barato.
5- Laba Hawl Isku Mar Ha Qaban
Waxaa jirta fikrad aan badankeena aaminsan nahay oo ah in uu qofku isku
qaban karo shaqooyin kale duwan ama hawlo kale duwan, hal wakhti ama isku
mar, isaga oo uu qofku iska dhaadhicinayo inuusan haysan wakhti ku filan,
sida adigoo wax dhagaysanaya islamarkaana wax qoraya, ama adigoo mashruuc
bilaabay islamarkaana aad mashruuc kale ka garab furtay isagoon kii hore aan
dhamaan, In shaqooyin badan aad hal mar isku qabto, waa arin aan badanaa
isticmaalno, isku dayga in la sameeyo shaqooyin badan hal mar waxay hoos u
dhigayaan waxtarkaaga ee maalin laha ah.
Waxaa laga maarmaan ah inaad fahamto, Inaanii jirin wax la yidhaahdo dhowr
hawl ayaa isku mar la qabanayaa, kaliye aad moodayso inaad isku mar
qabanaysid, laakiin runta ayaa ah inaad hal hawl ama hal shaqo aad diirad
saaraysid, oo si degdeg ah ayaad hawlahaas ama shaqooyinkaa ukala
badalaysaa.
Markaad ka guurto hawl oo aad u guurto hawl kale, waxaad u maleyneysaa
inaad si dhab ah diiradda u saartay wax kasta oo kugu xeeran isku mar,
Laakiin dhab ahaantii taas ma samaynaysid, waxayna u badan tahay inaad
luminayso wakhtigaaga iyo diiraddaada. Mana saari karti diiraddaada labo
hawl ama dhwor hawl isku mar, laakiin si degdeg ah ayaad u kala badalaysaa
hawlahaasi.
Inaad ilaaliso diiraddaada markaad gudanayso hawlaha kuu yaala ama lagaaga
baahan yahay, waa tilaabo aad muhiim u ah, marka aad hawl qabanayso waa in
ay maskaxdaada ku foogan tahay hawshaas oo kaliya si ay u noqoto mid degdeg
ah oo natiijo fiican ka soo baxdo, Laakiin marka aad laba hawlood isku mar
qabanayso waxa aad luminaysaa wakhtigaaga iyo diiraddaada, waxaana laga
yaabaa inaadan helin natiijo fiican ama sidii la rabay…. Haddaba diiradda
saar hal hawl ka hor intaadan u gudbin hawl cusub.
Sidoo kale ha iloobin waxaan jiro hawlo hal wakhti lawada qaban karo oo aan
u bahnayn in diiradda la wada saaro sida adigoo ordaya inaa wax dhagaysato,
oradka kaagama baahna in aad diiradda saarto laakiin dhagaysiga ayaa kaaga
baahan.
Maskaxda Bini’aadamka Awood Uma Laha In Ay Diiradda Saarto Dhowr Hawl Oo
Kala Duwan Isla Hal Wakhti