
5 ilo farxadeed…Dhoola Caddee Oo Ha Barbar Dhigin Naftaada Dadka
Kale
Qof kastaa waxa uu raadinayaa farxad, iyo rabitaanka inuu dareemo raynrayn
iyo yididiilo; waa mid dabiici ah. Laakiin had iyo jeer ma fududa,
xaaladayaduna had iyo jeer maaha kuwa ugu fiican. Haddaba, maqaalkan, waxaan
kaga hadli doonaa ilaha farxadda, iyo waxa aan samayn karno si aan farxad
badan ugu soo kordhino nolosheena.
Farxaddu waa waxa aan rajaynayno in aan helno, qaar waxa ay ka raadiyaan
buugaagta falsafada, qaarna waxa ay rabaan hab degdeg ah oo ay ka baadhaan
interneetka, inta badan talooyinka farxadda waxa ay ku salaysan yihiin
daraasado lagu sameeyay kooxo dad ah…Waa kuwan soo socda ilaha ugu caansan ee farxadda:
1.
Hadafka farxadu waa in la helo wanaag, in arimaha si wanaagsan loo fassiro,
iyo in la helo xasuus farxad leh.
2.
Waa in aad ogaataa in farxaddu ay tahay hab-raac ee aanay ahayn meel.
3.
Isku dheelli tir noloshaada shaqo iyo raaxaysigaaga, maalmaha toddobaadka,
oo u samee wakhti si aad naftaada u maaweeliyo.
4.
Dhageyso damiirkaaga, oo ku caawi dadka kale inay gaaraan farxad, waxayna
saameyn weyn ku yeelan doontaa farxaddaada.
5.
Ku mashquul dadka kugu xeeran, kana digtoonow inaad naftaada la barbar
dhigto dadka kale ama aad is barbar dhigto dadka kale.
Waa kuwan Siyaabo kale oo gaar ah oo laga helo farxadda
Had iyo jeer waxaan isweydiinnaa waxa farxadda soo saara, Ma dareemeysaa
inaad xayiran tahay? Jajab? Sida inaad FARXAD LA’AANTAY? Sallaanka Farxaddu
waa habraac ku caawin kara.
Kawaran haddii aan kuu sheego inaad ka tagi karto dareenkaas oo aad bilaabi
karto inaad faraxdo adigoo diiradda saaraya 5tan Habraac.
Suurayso adigoo taagan sallaanka ama jaranjarada gunta hoose, Mar kasta oo
aad tillaabo kor u qaado, waxaad dareemi doontaa farxad
laakiin shardi (haduu Eebe idmo)
Sallaanka Farxadda
Waxaad u malayn kartaa in farxaddu ay tahay sallaan ka kooban shan
ilood:
·
Hanasho
·
Tijaabooyin
·
Kobac
·
Isgaarsiin
·
Maskaxiyyan
Mid kasta oo ka mid ah arimahan waxay kuu keeni karaan farxad, Mar kasta oo
aad tillaabo kor ugu qaado sallaankan ama jaranjaradan, farxaddaadu way sii
kornaysaa, sii xoogaysanaysaa, wayna sii qoto dheeraysaa,
U fiirso sidatan: Intee in le’eg ayaad faraxd dareentaa markaad hesho
kabo cusub marka loo eego farxadda aad dareento marka aad leedahay maskax ku
dhisan mahadnaq iyo yididiilo. balse aan si faahfaahsan uga hadalno il
kasta. Si loo gaadho meesha sare ee sallaanka farxadda.
1. Hanasho:
Iibsashada kabo cusub ama baaskiil cusub ayaa ina dareensiiya farxad,
Farxadan degdega ah awgeed waxaan helnaa markaan helno wax cusub ama aan
iibsanno cusub amaba aan wax hanano, Qaar badan oo naga mid ah waxay u
janjeera inay wax iibsadaan marka ay dareemaan hoos u dhac ama niyad jab,
sababtoo ah farxadooda ayaa kor u kacaysa marka ay helaan wax cusub, halka
aynu samaynayno cunno shucuureed ama wax-soo-iibsi shucuur ah si aynu u
dareenno farxad. Laakiin dareenkani ma sii jiro waqti dheer; Sidaa darteed,
waa in aynaan aad ugu tiirsanaan xeeladdan haddii aan rabno in aan ku
noolaanno nolol farxad leh.
2. Tijaabooyin:
Waxaa laga yaabaa in aan diirada saarno inaan khibrad yeelano halkii aan
wax ku qaadan lahayn, laga yaabee inaan ku wareegno aduunka, isku dayno
waxyaabo cusub, oo aan sidoo kale sahaminno, si kastaba ha ahaatee, Kuma
filna inaad dareento farxad waarta, Mar haddii ay dhammaato Tijaabooyinkaas,
waxaad ku soo laaban doontaa dareenkaagii hore ee ahaa farxad la’aan.
3. Kobac:
Waxaad u isticmaali kartaa khibradaada iyo hantidaada si aad u horumariso
naftaada; Haddaba intii aad meelo booqan lahayd oo aad isku deyi lahayd in
aad ku dareento farxad, Sii wakhti naftaada, tusaale ahaan, waxaad u safri
kartaa waddan cusub oo aad baran kartaa luqad cusub, Adigoo Sii wad
khibradahaaga si aad naftaada ugu horumariso, Tani waxay ku siin doontaa
dareen aad ku qanacsan tahay oo aan ahayn kaliya inaad wax iska yeelato oo
aad tijaabiso.
4. Isgaarsiin:
Farxadaadu waxay noqon kartaa mid weyn markaad diirada saarto naftaada iyo
sidoo kale dadka kale; Sababtoo ah xiriirka bulshada, iyo wax wada qaybsiga
waa ilo farxadeed oo weyn, waxaana laga yaabaa inaad taqaano odhaahda
ah”dadka oo batta, waa madadaaladoo badata.” Oo waxaad ku dabbaqi kartaa
odhaahdan xidhiidhada bulshada, sidoo kale Inaad dadka wax u qabato ama aad
u hiiliso amaba aad taageerto waxay kaa dhigi kartaa mid dareema farxad.
5. Maskaxiyyan:
Sallaanka ugu sareeya ee Farxadda; maskaxiyan, intii aan farxad ka raadin
lahayn deegaanka dibadda, waa in aan nafteena dib u habeyn ku sameynaa
fikradaha; Way fududahay in diiradda la saaro dhammaan waxyaalaha aynaan
haysan, si kastaba ha ahaatee, haddii aan baranno inaan ogaano oo aan
qadarinno waxyaabaha aan haysanno, waxaad yeelan doontaa sabab aad mar walba
u faraxsan tahay. Haddaba si aad u gaadho farxad noloshaada, waa in aad
kobcisaa dareenkaaga garashada dhammaan waxyaalaha cajiibka ah ee
noloshaada, Eebe u mahadnaqa wax kasta oo aad haysato, waxaadna ku noolaan
doontaa nolol farxad badan (hadii eebe idmo).
Ficilku had iyo jeer ma keeno farxad, laakiin ma jirto farxad ficil
la’aan ah.