
12 Cashar oo ku saabsan nolosha Jeclaan lahaydaa inaad hore u
taqaan
Waayo-aragnimada noloshu waa dugsiga ugu weyn iyo macallinka ugu
muhiimsan.
Waxaa daraasad lagu sameeyay dad badan oo waayeel, waxaana wax laga
waydiinayay casharada ugu muhiimsan nolosha ee ay jeclaan lahaayeen in ay
bartaan yaraantoodii, waana soo uruurinay dhamaan jawaabihii, Waxaanan ku
soo koobay 12 qodob oo wax ka badali kara aragtidada nolosha.
1. Eebe baahidaada si sharaf leh u weyddiiso, waayo, Ilaah waa ku filan
yahay
Ha dhayalsan naftaada isku day inaad hesho waxa aad rabto. Hana xishoon oo
noqo mid eebe talo saran markasta. Eebena hadduu wax doonayo waa inuu ku
yidhaahdo “ahow” wayna ahaanaysaa. Markaa dhawr sharaftaada, iskana ilaali
inaad dadka ka barido waxaad rabto inaad hesho.
2. Wax waarayya ma jiro
Lacag, mansab, haybad iyo xataa xanuunka, Intuba waa ku meel gaadh, oo
aakhirka way dhammaan doonaa, isku day inaad dhex dhexaad ka noqoto
farxadaada iyo murugadaada, waayo waxa kaliya ee noloshaada joogtada ka ahi
waa isbedelada.
3. Dhegayso codadka maskaxdaada ka guuxayya.
Waxaan baranay inaan iska indha tirno codadka yar yar ee gudaha maskaxda ku
jira ee noo sheegaya inay wax khaldan yihiin ama tallaabada xigta ee aad
qaadayso ay noqon karto mid khaldan, U fiirso codkan, Kuna kalsoonow,
Waxaana loo yaqaanaa dareen, Badanaana waa mid saxan.
4. Farxadaada cidna ha ku salayn
Dad badan ayaa shuruudo horudhac ah u dejiya farxaddooda. Tusaale ahaan,
gabadhu waxay tidhaahdaa marka la i guursado waan faraxsanaan doonaa, ama
qofku wuxuu odhanayaa waan ku farxi doonaa markaan helo shaqadan.
Runtii, farxaddaadu kuma iman doonto qof ama dhacdo noloshaada ka mid ah,
maadaama farxaddaada iyo farxad la’aantaadu ay yihiin natiijada
fikradahaaga, Waana dareen gudaha ka soo baxa.
5. Baro sida iyo goorta aad maya u odhan lahayd
Inaad tiraahdo “maya” maaha anaanimo ama shay xun, balse waxay faa’iido u
leedahay wakhtigaaga iyo sidoo kale wakhtiga qoyskaaga, “maya” Inaad
tiraahdo waxay kuu ogolaaneysaa inaad waqti badan ku qaadato waxyaabaha ugu
muhiimsan noloshaada.
6. Yeelo saaxiibo wanaagsan
Daraasad la sameeyay ayaa cilmi-baadhayaashu ku ogaadeen in dadka ugu
farxadda badan aanay ahayn kuwa ugu qanisan ama ugu awoodda badan, balse ay
yihiin dadka saaxiibtinimada dhabta ah leh.
7. Wakhtigaan wuu idlaan doonaa
Waa odhaah aad u xoog badan haddii aad garato. Dhibaato kasta oo aad
noloshan la kulanto oo aad mooddo in ay dunidu dhammaanayso, xasuusnoow in
wakhtigani la dhaafi doono oo uu noqon doono wax la soo dhaafay. Xasuusnoow
xaaladihii adkaa ee aad soo martay iyo sida aad u dareentay in ay dhammaatay
dunidu, balse ay ka soo gudubtay macaankeeda iyo qadhaadhkeeda, oo ay kuu
noqotay mid ka mid ah xusuustaada.
8. Ha ka walwalin waxyaabaha aanad xakamayn karin
Dadka qaarkiis way ku adag tahay inay aqbalaan xaqiiqadan qallafsan ee ah:
in aanay xakamayn karin qaar ka mid ah dhacdooyinka noloshooda.
Dadka qaar ee diidan xaqiiqadan waxay ku waalan yihiin arrimaha xakameynta.
Waxay farageliyaan arrimo aan macno lahayn, waxay diidaan inay meeleeyaan
shaqooyinka, waxayna isku dayaan inay dadka ku qasbaan inay badalaan
dhaqankooda. Waxay u maleynayaan in haddii ay awood ku filan u leeyihiin
dadka kale iyo duruufaha ay ku jiraan, inay joojin karaan dhacdooyinka
xunxun ee dhacaya.
9. Farxadda lacag laguma iibsan karo
Markaad da ‘yar tahay, caafimaad qab iyo nolol dheer ayaa ku sugaysa,
waxaad u maleyneysaa in lacagtu ay wax walba ka dhigan tahay. Lacagtu hubaal
ma iibsan karto farxadda, laakiin waxay iibsan kartaa waxyaalo kale oo
badan, sida: Guri weyn, baabuur qaali ah, moobilkii ugu danbeeyay, iyo inaad
u baxdo fasaxyo dhaadheer.
Haa, lacagtu waad ku iibsan kartaa waxyaabo badan waxayna kuu keeni kartaa
raaxo. Laakiin waxyaalahani ma muujiyaan farxad.
Waana kan sababta:
Farxaddu waa xaalad maskaxeed. Ma laha wax xidhiidh ah oo gaar ah, sidaas
darteedna way ka madaxbannaan tahay waxyaalaha maaddiga ah ee noloshaada. Ha
ku dhicin dabinkan. Lacagtu farxad maaha. Hel farxaddaada runta ah.
10. Caafimaadkaagu waa waxa ugu qiimaha badan ee aad leedahay
Caafimaadkaagu waa hanti aan qiimo lahayn, Caafimaadka wanaagsani waxa uu
kuu sahlayaa inaad gaadho yoolkaaga, ku guulaysato riyadaada, oo aad ku
raaxaysato noloshaada si buuxda, Ma qiimayno caafimaadkayaga ilaa aan
lumino.
Is ogow si wanaagsan, daryeel jidhkaaga oo ilaali caafimaadkaaga. Ha noqon
mid had iyo jeer yidhaahda, “Waxaan jeclaan lahaa inaan si fiican u daryeeli
lahaa naftayda.”
11. Ha ku lumin wakhtigaaga inaad cudurdaar samayso sababtoo ah dadku
waxay maqlaan oo keliya waxay rabaan inay maqlaan
Runtii aduunka waxaa ku nool dad madax-adag iyo danaystayaal oo aan dan ka
lahayn adiga iyo fasiraadaada, marka aad isku daydo inaad ka dhaadhiciso
waxyaalaha qaarkood. Si kastaba ha noqotee, waxay sameeyaan fikrad khaldan
oo kugu saabsan adiga waxayna kugu xukumayaan si waafaqsan.
Sidaa darteed, waa wakhti lumis in dadkan wax loo sharaxo ee iska daa,
midna xusuusnoow raali ahaansha dadka waa hadaf aan la gaadhi karin.
12. Marna kama daahin Bilawga Wax Cusub
Dad badan marka ay gaaraan da’ gaar ah, waxay yidhaahdaan, “Tolow maan
sidaas sameeyo” Waa xilligii aad badali lahayd aragtidaada oo aad fahmi
lahayd inaad mar walba gaadhi karto yoolalkaaga iyo hamigaaga, iyadoon loo
eegayn da’daada. Midna aan ku xusuusiyo, Kornayl Sanders wuxuu
aasaasay maqaaxida caanka ah ee KFC da’da 65.